Facebook Oo Sheegtay In Xaqiiqada Wararka Lagu Faafiyo Aanay Ku Qiimayn Doonin Tirada Like, Share, Comment Ka La Siiyey Iyo Xeeladda Ay Isticmaali Doonto

0
658

Washington (Geeska)- Sida caadiga ah Facebook waa barkulanka bulsho ee dunida oo dhan ugu caansan, muddo dheer ayaanu ahaa war-is-gaadhsiin dadku isku dhaafsadaan xusuusaha, sawirrada iyo faallooyinka, laakiin muddooyinkii u dambeeyey waxa uu ku darsaday I uu suuqa warbaahinta kula tartamo wakaalado wareed iyo wargeysyo, in kasta oo ay weli haysato caqabad dhinaca rumaysashada iyo ku kalsoonaanta ah.

Tirokoobyo hore loo sameeyey ayaa muujinayey in kala badh wararka lagu baahiyo degelkani ay yihiin kuwo been ah ama haddii sida ugu quruxda badan loo dhigo ay yihiin warar aan aad loo hubin. Waana suurtogal in xaqiiqadan la ogaaday ay tahayba sababta maamulka barkulanka bulsho ee Facebook ku kalliftay in ay isku dayaan in Facebook ay noqoto goob lagu faafiyo dadkuna isku dhaafsadaan warar la isku hallayn karo iyaga oo samaynaya tallaabooyin xooggan oo isku xidha shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook iyo warbaahinta. Tallaabooyinkaas inta uu illaa hadda Facebook faafiyeyna waxaa kamid ah:

– In la tijaabiyo shaqo cusub oo ah in tiro xaddidan oo dadka Facebook isticmaala ka midah loo ogolaado in ay ishaaraan ama soo qabtaan baahinaha Facebook lagu faafiyo ee warar been abuur ahi ku jiraan.

– In la sameeyo farsamo Tiknoolajiyadeed oo ku dhisan wanaajinta adeeg cusub oo uu Facebook samaynayo oo loo bixiyey, ‘Instant Article’ taas oo macnaheedu yahay adeegga faafinta maqaallada degdegga ah, adeeggani waxa uu u shaqaynayaaoo keliya dadka leh warbaahinta ku xidhan Facebook waxa aanu u ogolaanayaa in ay wararkooda si degdeg ah ugu faafin karaan Facebook.

– Shabakadda Facebook koox ka mid ah warbaahinta ay iskaashiga la leeyihiin ayaa ay u ogolaan doontaa in ay adeegsadaa adeeg u gaar ah ka shaqaynaya kulan wadareeddada. Adeeggan uu Facebook u samaynayo warbaahinta ay wada shaqeeyaan oo bilaa lacag ai, waxa uu awoodu leeyahayin uu qiimeeyo illaa xadka uu maqaalkan ama warkani ku faafsan yahay warbaahinta bulshada ee kala duwan, waxaa iyaduna intaas dheer in facebook uu sameeyey adeeggiisa facebook live, oo caadi ahaan loogu talogalay in warfidiyeenku u isticmaalaan baahinta wararkooda.

– Ugu dambayntii sida uu ku warramayo wargeyska The Guardian Facebook wararka miisaankooda kuma qiimayn doono tirada dadka uu soo jiitay warku (Like siisay), ama ka faallo bixisay (Comment) ama dadka la sii wadaagtay (Share), balse waxa ay ku eegi doonaan tirada inta jeer ee war nuxurka warkani sido leh lagu faafiyey barkulannada bulshada.