Fadhiga Badani Waxa Uu Soo Dedejiyaa Gabowga

0
824

1Washington (Geeska)- Cilmibaadhiso door ayaa hore uga warramay dhibaatooyinka caafimaad ee ay leedahay in qofku uu muddooyin badan fadhiyo, laakiin daraasad  cusub ayaa intii hore ku sii dartay in fadhiga waqtiga badan ahi uu qofka ku soo dedejiyo calaamadaha gabowga.

Cilmibaadhis caafimaad oo dhowaan lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in fadhiga badani uu isbedello ku keeno dheecaaka hidde-sidaha ah ee DNA, isbeddelkaasi xaaladaha ugu horreeya ee uu keenana ay ka mid tahay caafimaad darro dhinaca maqaarka ah oo keenta in qofka ay ku soo degdegaan calaamadaha gabowgu.

Cilmibaadhistu waxa ay iftiimisay in dumarka maalintii fadhi ku qaata in ka badan 10 saacadood, oo aanu dhaqdhaqaaq u dhexeyn ay khatar ku tahay unugyada oo muddo haddii wax laga qaban waayo ay burburto bu’da koromosoomyada unugyada oo aakhirka keento in unugga laftiisu dhinto.

Si kastaba ha ahaato ee qofka oo nidaam nololeed caafimaad qabta mara, kana dheeraada sigaar  nuugista iyo waxyaabaha buurnimada keenaa, isla markaana ku dadaala in uu maalin kasta jimicsado ugu yaraan 30 daqiiqo ayaa ay suurtogal tahay in ay kaalin wax-ku-ool ah ka ciyaaraan badbaadinta Koromosoomyada, firfircooni dheeraad ah iyo cimri dhererna u keenaan unugyada.