Waa Suurtogal In Dib Loo Soo Celiyo Aragga

0
709

1London (Geeska)- Saynisyahanno u dhashay dalka Ingiriiskaayaa ku hawlan suurtogelinta hab-cilmiyeed soo celi kara aragga daciifa, waxa aanay tijaabooyin arrintaas la xidhiidha ku sameeyeen jiir indho la’, sida uu ku warramayo wargeyska Daily Mail oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xiganayo.

Inkasta oo ay cilmibaadhayaashu taxaddar badan ka muujiyeen ku adkaysiga suurtogalnimada in araggu soo noqon karo, haddana waxa ay soo jeediyeen in laga shaqeeyo tijaabooyin cilmiiya oo lagu eegayo suurtogalnimada in aadamaha loo soo celin karo aragga iyada oo la adeegsaayo unugyada asliga ah ee loo yaqaanno Stem Cells.

Cilmibaadhis ka soo baxday Maxadka Rekin ee dalka Jabbaan ayaa lagu sheegay in dhowaan la tijaabiyey in unugyo asli ah lagu beero shabakaddad ilayska qabata ee indhaha, taas oo ah unugyo neerfeed u nugul ka fal celinta ilayska oo ku jira indhaha, kuwaas oo ishaarooyin arag u dira shabakadda aragga eeku xidhan unugyada unugyada asliga ah iyo maskaxda sababna u ah in ishu ay wax aragto.

Cilmibaadhayaasha arrintan gacanta ku hayaa waxa ay sheegee in tijaabooyinkani ay muujinayaan in unugyada cusub araggu ay awoodi karaan in ay ilayska qabtaan iyo weliba in ay u gudbiyaan maskaxda, taasina ay tahay sababta keenaysa rajada ah in aragga bai’aadamka dib loo soo celin karo iyada oo la isticmaalayo habkan.

Bare-sare Robert Maclarine oo ka tirsan jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska ayaa isaguna sheegay in cilmibaadhistani ay rajo gelinaysa soo celinta aragga daciifa.