Siyaasiyiinta Reer Somaliland Ee Xamar Jooga Oo Ka Noqday Go’aankii Ay Doorashada Somaliya Ku Qaadaceen

0
523

Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah Siyasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee aaminsan midnimadii Somaliya, ayaa sheegay inay ka noqdeen go’aan ay hore ugu diideen inay ka qayb galaan doorashada baarlamaanka ee Somaliya.

1

Shirjaraa’id oo ay shalay qabteen ayay ku  shaaciyeen inay ka qeyb geli doonaan Doorashadda Dadban ee dalkaas Somaliya.

Waxay sheegeen inay tixgelinayaan Heshiiskii Madasha Wada-tashiga Qaranka ku yeesheen magaalladda Kismaayo ee lagaga hadlay Marxalladda Kala-guurka ee Somalia.

Waxay kaloo ugu baaqeen Guddiga Doorashooyinka inay dedejiyaan doorashada labada aqal ee dhiancooda.

Siyaasiyiintan ayaa hore u sheegay inaanay ka qayb gelin doorashooyinka Somaliya, iyagoo qawaday saamiga laga siiyay oo ay sheegeen inuu yahay cad quudheed. Laakiin haddana waa kuwan mar labaad ka noqday go’aankoodii ka dib markii ay madaxda Somaliya u jojin weyday.