“Go’aankii Wasaaradda Ee Ahaa In Dugsiyada Dalka Mar La Wada Furo Wax Iska Bedelay Ma Jiraan”

0
704

Agaasimaha Guud Ee Waxbarashada

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Abokor Maxamed, ayaa sheegay in aan wali waxba laga bedelin go’aankii Wasaaradda Waxbarashada ee ahaa in Dugsiyada kala duwan ee dalku mar wada furaan sannad dugsiyeedka cusub ee sannadkan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Abokor Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay tayada Waxbarasho ee dalka iyo Siyaasadda Xukuumadda, waxaanu ugu horeyn yidhi “Go’aankii Wasaaradda ee ahaa in Dugsiyada dalka mar la wada furo wax iska bedelay ma jiraan, guud ahaan Dugsiyada dalka ee iskugu jira Dugsiyada dawliga ah  iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahayba wakhtigii loo muddeeyey ayey ku furmayaan, dugsoigana kama hor dhici karo kamana dib dhici karo,  sannad dugsiyeedka cusubna wakhtigii aanu u qorsheynay ayey ku furmayaan, ee waa inay Dugsiyadu tixgeliyaan wakhtigaas loo qorsheeyey, kama talaabsan karaan go’aanka Wasaaradda Waxbarashada”.

Mar uu ka hadlaayey Siyaasadda tayada Xukuumadda ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa yidhi “Siyaasadda Dawladda ee Waxbarashadu waa sidii Waxbarashada dalka dhinaca walba loogu horumarin lahaa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Muuuse Biixi Cabdi, weynu ka war haynaa sida uu mar walba Waxbarashada dalka u dhiirigeliyo, Wasaaradda ahaana mar kasta waxaanu ku mashquulsan nahay sidii aynu sare ugu qaadi lahayn Tayada Waxbarashada dalkeena”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here