Facebook Oo Baahisay Tilmaamo Dadku Ku Garan Karaan Wararka Beenta Ah Ee Lagu Baahiyo Shabakadda

0
528

Washington (Geeska)- Dadaalladii ugu dambeeyey ee Facebook uu ku doonayo in uu xakameeyo wararka been abuurka ah ee lagu faafiyey barkulankooda bulshada ayaa ahaa talooyin toban ah oo ay shirkaddan Maraykan dhowaan u jeedisay macaamiisheeda si ay uga caawiyaan garashada wararka been abuurka ah.

Dhinaca kalana Facebook waa uu suurtogeliyey in macaamiishiisa ku dhaqan 14 dal oo Maraykanka iyo Ingiriisku ka mid yihiin ay uga digto wararka beenta ah iyada oo siinaysa calaamado ay ku garan karaan. Arrintan ayaa ka dambaysay markii bilihii u dambeeyey Facebook lagu eedeynayey in uu ku fashilmay xakamaynta faafinta wararka been abuurka ah ee shabakadda la soo dhigayo, kuwaas oo ah warar keliya qofka baahinayaa uu ku doonayo jawaab celinta dadweynaha. Dhinaca kalana dalka Jarmalka ayaa ku hawlan dejinta xeerar ay suurtogal tahay in shirkadaha leh barkulannada bulshada ee internet ka laga qaado ganaax lacageed oo gaadhi kara illaa Shan Milyan oo lasagta Yurub ah haddii ay ku fashilmaan in ay wax ka qabtaan dhibaatadan ah faafinta wararka been abuurka ah ee la marinayo shabakadahooda.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa tobankaas talo ee ay Facebook soo jeedisay:

1. Mar kasta ka shakisnoow cinwaannada muhiimka ah: Waxa aad ogaataa in sheekooyinka wareed ee beenta ahi ay caan ku yihiin cinwaanno qurux badan oo dareenka qofka dhaqso u soo jiidanaya.

2. Iska hubi cinwaannada uu kugu xidhaya website ka uu ku jiro warka facebook la soo dhigay; Inta badan xadhiga ‘url’  oo aad iska hubisaa waxa ay kaa badbaadinaysaa khiyaamada ay degello badani sameeyaan ee ah in ay samaystaan cinwaanno iyo bogag sumaddooda iyo magacoodu in yar ka duwan yihiin kuwo sax ah oo jira.

3. Ilo lagu kalsoon yahay; Inta aanad rumaysan warka lagu baahiyey facebook, marka hore iska hubi in isha warkaas laga soo xiganayaa ay tahay mid sumcad fiican oo warar run ah oo lagu kalsoonaan kara baahisa.

4. Haddaad aragto qaladaad dhinaca afka ah dib u hubi warka aad akhriyeyso; Inta badan shabakadaha wararka ee saxda ahi waxa ay iska hubiyaan qaladaadka qoraalka iyo luuqada, haddii war aad akhriyeysay aad ku aragto qaladaad noocan ah iska hubin in cidda baahisay ay tahay cid lagu kalsoonaan karo.

5. Sawirrada warka la socda iska hubi: Inta badan wararka been abuurka ah waxaa la socda sawirro wax-ka-beddel lagu sameeyey ama fiidyowyo la isu jarjaray, waxaa iyaduna dhacda in sawirku sax yahay laakiin sida loo isticmaalay qaldan tahay.

6. Taariikhda hubi: Wararka been abuurka ah inta badan haddii aad bogag kala duwan ka eegto waxa aad arkaysaa in taariikhdoodu kala duwan tahay, ama in aan taariikhba la raacin warkaas.

7.  Maragga iska hubi; Inta badan wararka been abuurka ah waxaa lagu gartaa in marka ay sheegayaan ilaha ay warkaas ka heleen ama wakaaladaha ay ka soo xigeen aanay raacin faahfaahin ama xadhig kugu hagaya halka uu warkaasi kaga jiro wakaaladda. Waxaa iyaduna ay caan ku yihiin in ay sheegaan magacyada xeeldheerayaal iyo masuuliyiin aan jirin haddii meelo kale laga baadho.

8. Raadi warbixinno kale oo isla mawduucan laga diyaariyey; Haddii aad weydo warbixinno kale oo isla arrintan laga qoray, waxa ay taasi iftiiminaysaa in warkaasi uu been abuur yahay.

9. Hubi in warka aad akhriyeysaa kaftan yahay; Marar badan waxaa aad isugu ekaada, dadkana iskaga qaldama kala saarista wararka iyo aragtiyaha iska kaftanka ama yasidda looga dan leeyahay, sidaa awgeed waxaa waajib ah in aad iska hubiso isha aad warkan ka qaadanaysaa in ay tahay mid lagu yaqaanno faafinta wararka kaftanka iyo yasidda ah, iyo in faahfaahinta sheekada aad akhriyeysaa ay muujinayso in kaftan iyo dheeldheel ku jiro sheekada.

10. Warar badheedh loo qalday; Warka ama sheeko kasta oo aad akhriyeyso waxa aad ku akhridaa indho naqdiyaya oo ceebaha warka nuxurkiisa iyo diyaarintiisaba eegaya, iskana jir in aad boggaaga ku sii faafiso war aanad adigu hubin in uu run yahay, xitaa haddii ilo kale oo badan lagu faafiyey.