Wiil Dhalinyaro Ah Oo Maxkamadda La Soo Taagay Kadib Markii Lagu Eedeeyey In Uu Dameer Dhirbaaxay

0
589

Washington (Geeska)- Wiil 18 jir ah oo lagu magacaabo Lukas Dietrich ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii lagu eedeeyey in uu xayawaan kula kacay fal arxan darro ah dalka Maraykanka. Wiilkan ayaa loo diiwaangeliyey baadhitaanka dacwad ah in uu wejiga ka dhirbaaxay dameer ku nool beer ku taalla gobalka Illinois ee dalkaas.

Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa intaas ku daray in wiilkani uu bartiisa Twitter ka ku faafiyey Fiidyow muujinaya isaga oo dameerkan wejiga ka dhirbaaxaya, arrintaas oo sababtay in dadka u dooda xuquuqda xayawaanka oo aad uga cadhooday ficilkani ay booliiska ku wargeliyaan dacwaddiisa.

Lukas Dietrich iyo saaxiibbadii ayaa beertan u joogay u damaashaadka maalinta dhalashada ee mid ka mid ah asxaabtiisa. Dameerkan waxaa lahaa deegaanka, waxa aanu ahaa baladi beertan ku dhaqan oo dadka beerta soo booqda loo ogol yahay in ay taaban karaan ama ku maarraroobi karaan, laakiin Lukas waxa uu ka tallaabay xuduudkii maangalka ahaa kadib markii uu sawir Fiidyow ah iska qaaday isaga oo dameerka dhirbaaxaya.

Booliiska oo ka jawaabaya dacwadda ka timid dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda xayawaanka ayaa xabsiga u taxaabay Lukas waxa aanay geeyeen xabsi ku yaalla degmada Madison, si uu halkaas ugu sugo dacwaddiisa inta ay xeer ilaalintu u gudbinayso maxkamadda, laakiin markii dambe Lukas waxaa lagu sii daayey damaanad lacageed oo 5 kun oo doolarka Maraykanka ah, waxa aana lagu war geliyey in maxkamadayntiisu bilaaban doonto dabayaaqada bishan aynu ku jirno.