Facebook:- Goob Caways Oo Kulmisa Dhalinyaro Tiro Dhaaftay:Wariye Maxamed Taajir

48
757

Shabagada Facebook oo ah mid laga isticmaalo internetka ayaa wakhtigan ah madal aad u balaadhan oo kulmisa dhalinyara tiro badan oo dunida ku nool, isla markaasna ah kuwo u kala dhashay wadamo kala duwan ama jooga dalal kala duwan.

Bartan Facebook ayaa ah mid ay siweyn ugu caweeyeen in badan oo kamid ah dhalinayda Soomaalida ee ku kala filiqsan daafaha caalamka, iyada oo lagu qiyaaso Malyuun iyo Badh inay  ka badan yahiin dadka Soomaalida ah ee isticmaala barkulankan oo ah mid xiiso badan.

Bartan Facebook marka laga tago in si guud ay dad badan oo dhalinyaro ah u isticmaalaan, waxa si firfircoon hadana u isticmaala dadka haasaawaya,kuwa wararka baahinya, kuwo raba borbogaandho inay faafiyaan, kuwo wajiyadooda doonaya inay  caan ka dhigaan iyo kuwo ka taageera ama uga olaleeya siyaasiyeenta Soomalida ee aadka ukala aragtida duwan.

Markasta oo aad gasho bogan waxa aad la kulmaysaa macluumaad aad u tiro badan iyo sawiro laga soo galinaayo dalal badan oo daafaha dunida ah, waxa aad si sahlan ku arkaysaa inbada oo kamid ah dadka aad goobtan ku saaxiibka tahiin iyo sawiro ay isla maanta uun soo galeen oo ay baahinayaan, waxa ka socda kaftan iyo aragtiyo is dhaafsi aan xadidnayn amaantuna ay ku badantahay.

Bartan oo aad loogu isticmaalo haasaawe ayaa inbadan oo dadka isticmaala kamid ah waxa ay isku mashquuliyaan siday u daawan lahaayen sawirada,aragtiyaha iyo waxyaabaha lays waydaarsanaayo si ay uga helaan qof dookhooda ah oo ay si gaar ah goobtan ugala xidhiidhaan.

Waxa muran ma doon ah marka laga hadlaayo dhanka haasawaha waxa ay goobtan caways dad badan ku tilmaamaan mid ay ka buuxdo been badan oo aan la aamini karin, inkasta oo ay hadana ka dhacaan is afgaradyo guur oo tiro badan.

Cawayskan ayaa ah mid dhiiri galiya tahriibka iyo inay dhalinyaradu ka baxaan dalkooda hooyo, waxaanu hiyikac balaadhan qofka ku ridayaa  marka uu habeen kasta cawayskan kula kulmo asxaabtiisii oo joogta mid kamid aha wadama reer galbeedka ama kuwa loo sii maro isla markaasna ay iska waraystaan xaal nolaleed sida uu yahay.

Inkasta oo dhalinyarada Soomaalida intooda badan aany isticmaali karin barkulankan Facebook Sababo la xidhiidha dhaqaalaha iyo internetka oo aan si fiican u wadagaadhin deegaanda Soomaalida,  hadana bartan wali waa mid ay si fudud ku isticmaalaan dhalinyaro badan oo Soomaali ah.

Maxamed Taajir

Taajir88@hotmaail.com

Comments are closed.