“Markaad Eegto Kafada Wax Qabadka Laba Sanadood Ee Xukuumadan Iyo Kafada Wax Qabad Yaraanta; Waxa Badan Kafada Wax Qabad La’aanta”

0
4183

Cabdisalaan yaasinHargaysa( Geeska )- Prof.Cabdisalaan Yaasiin oo kamid ah aasaasayashii SNM oo aan xafiiskiisa magaalada Hargaysa xog waraysi  kula yeelanay, ayaa ka hadlay dacwadii ay ururadii gudida diiwangalinta ay ku dhawaaqeen inay hadheen oo dhawaan maxkamada ka furmi doona, aragtidiisa wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, shir beeleedayda dalka ku soo badnaaya oo uu ku macneeyay inay keentay waxqabad la’aanta ka timi xukuumadda, siyaasada arimaha dibada ee wakhtigan oo uu ku tilmaamay mid bilaa qorshe ah iyo qodobo kale.

Prof.Cabdisalaan Yaasiin ugu horayntii isaga oo ka hadlaaya dacwad ay ururdii gudida diiwangalintu ku dhawaaqeen inay hadheen ay u gubiyeen maxkamadda sare waxa uu sheegay in dhawaan dacwadaasu furmayso “Imika bishii afraad ayaynu maraynaa markiibana  waanu u qadinay dacwadayda maxkamada, dhibaatooyinka in haysta ayay ka mid tahayoo maxkamaddiibaa dheeraysay mudadii ay xogta ku urursanaysay, imika way soo dhawdhawday oo waxaan filaynaa in dhawaan maxkamaddu arintaas ka fadhiisato, waxaan is lahayn ramadaanta waxii ka horeeya, laakiin imika ayuunbay taagantahay in la soo ururiyay wax alle iyo waxii loo baahnaa, markaas waxa la sugayaa in la dhagaysto uun arinta, oo dacawadii inta la keeno oo la dhagaysto uu xukun ka dhaco, waanan ku adkaysanaynaa, maxkamadu waxaas loo keenay markay xukuntana gari laba nin kama wada qoslisee qof uunbaa laga yaaba in uu diidayo oo uu odhanaayo cadaalad umay dhacin, laakiin halkaas haddii ay ka soo baxdana waa wax wax ku ool ah.” Ayaa uu yidhi waxaanu isaga oo hdalkiisa sii wata uu yidhi “Ururo ahaan halkaas ku istaagimayno oo waxay tahay in siyaasada wadanka la dhiso, markaas imika afar urur ayaan ku nahay dalad kuwaas oo kala ah Horyaal, Jamhuuriga, NDP iyo Udhis, tacab badan ayaanu galinay dad badana waa ay na taageereen, wali afartaydaas urur cid meel ka qabatayna ma jirto, waxaanan doonaynaa marka go’aanka maxkamadu dhaco in afartaydaas urur aan goonidayda uga siiwada tashano sida ay daladaas u shaqaynayso.”

Prof.Cabdisalaan Yaasiin waxa uu ku macneeyay shirar beeleedyadan ku soo badanaaya dalka inay sababtooda leedahay xukuumadda oo ay beeluhu ka waayeen wax qabadkay u baahnaayeen “Runtii wanaag badan ayaynu ku haynaa in beelahu intay isu yimaadeen ay wadankii dib u dhiseen, taasina waa dhaqankeena nool ee is haysta, iyagaana beelahu isku yimi oo yidhi aan maamul samaysano,  iyagaana nabadii dib u dhisay oo ku tashaday inay dadkii mideeyaan, waxaanay doonayeen in dawladii ay dalkii hanato aan beeshii lagu jirin, nidaamka beelahuna ma sii hayn karaayo in uu kuu dhiso nidaam casriya oo ah dee inuu wadooyinkii uu dhiso, cisbitaaladii iyo dugsiyadii, beelahii baana markii wax loo qaban waayay imika ay ku kaliftay inay isku dayaan inay arimahaas buuxiyaan, taasina waa xukuumadiibaa ka soo baxi kari wayday inay umaddii wadadii,Dugsigii iyo cisbitaalkiiba gaadhsiiso sababta ay doonta ha ku sheegatee, markaas maaha beelahu markay isku yimaadaan marwalba inay dhib  leeyahiin, hadaynu dhisamheena eegnana waa meeshii aynu ka soo jeednay, lakiin aasaaska binadii kor uga baxaysay ayaa maqan, markaas imika shirarkan hareerha ka dhacaaya dadku waxay isku waydiinayaan inta badan waxa weeye xukuumadii waynu la’anahaye sidaynu wax u qabsanaa, hadii dhaliili jirtana waa mid xukuumada uun haysta.”

Intaas kadib Prof.Cabdisalaan Yaasiin oo xog waraysigan kaga hadlaaya siyaasada arimaha dibada ee wakhtigan waxa uu yidhi “ Arimhaa dibadu waxay ku xidhan yahiin arimahaaga gudaha, waxaynu u baahnahay in aynu arimheena gudaha adkayno, waxanu u baahnahay in ururadan iyo qaramadan midoobay ee laysku haleeyo aan laysku halayn, ee la yidhaado halkaas noo fadhiya, oo lays waydiiyo waar dalkan inagaa lahe sidaynu u dhisanaynaa, markaas marka dalkii in aynu dhisanay la arko oo aynu dawlad wanaag muujinay ayay duniduna kuu soo istaagaysaa.  Waxaanan qabaa ma adka Siyaasadeena dibadu, waayo siyaasada arimaha dibadu waxay u baahantahay in loo sameeyo guddi dhan oo wax ka qoraysa oo aan wasiirka oo kaliyaata ahayn, xataa dawladaaba u baahan dad aan wasiirada ahayn oo la’taliyayaala oo waliba bilaash ula shaqaynaaya .Siiba wasaaradan arimaha dibada nin wasiirka dibada ah mid firfircoon ama aan firfircoonayan midka uu doonaba hanoqdee wasaarad lagu halayn karaayo maaha, waa in gudahii inta ay dawladu ka adkaato oo si wanaagsan wax loogu qabto dabadeedna talo midaysan la sameeyo, illeen waxaynu doonaynaa in qaranimo laynoo aqoonsanaadee. Tusaale ahaan in la sameeyo qoraalo sharci ahaan inoo muujinaya in aynaan ka mid ahayn waxa ay nimankaas Somaliya sheeganayaan, laakiin marka gudahiina aad wax ka qaban waydo oo aasaaskii dawladnimadaadu waxba noqon waayo, tan dibada ee qoraalada iyo dacaayaduna aanay jirinba ama ay yaryahiin, waxaagu waxa uu noqonayaa xalaqadaas aynu ku wareegayno uun.”

Cabdisalaan Yaasiin oo ka hadlaaya horumarka uu wakhtigan dalku u baahanyahay iyo sida xukuumadan aanay labada sane ee ay jirtay wax muuqada uga qaban waxa uu yidhi“Wadanka horumarkiisa dhabta ah ee loo baahan yahay in la dhisaa waa kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, dekedaha, madaarada, dawlada oo xafiisyadeeda si hagaagsan u dhisata oo ay shaqo wanaagsan ka soo baxi lahayd iyada aan cidna ka sugin in lagu caawiyo.Dadku waxay la yaabaan sida magaalooyinkeenu ay u camiranyahiin, sida daaraha dhaareer loo dhisay iyo sida uu xashiishku isaga agyaalo ee aan cidiba uga qaadayn, waxaana lagu odhanyaa waar meeshan miyaanu maamul ka jirin maxaa qashinkan wax looga qaban waayay, markaad eegto kafada wax qabadka laba sanadood  ee xukuumadan jirtay iyo  kafada wax qabad yaraanta waxa badan kafada wax qabad la’aanta.”

Ugu danbayntii Cabdisalaan Yaasiin waxa uu wadahadalada Somaliland iyo Somaliya dhexmaray uu ku tilmaamay kuwo aan la garanayn halka ay biyo dhigan doonaan.