Ururka Somaliland Women Solidarity Oo 25 Haweena U Soo Xidhay Tobabar La Xidhiidha Ka Qayb Galka Doorashooyinka

0
688

Picture1Hargeysa (Geeska) Ururka Somaliland Women Solidarity ayaa shan iyo labaan haweena u soo xidhay tobabar u socday, iyaga oo kaashanaayey ururka haweenka ee Nagaad.

Tobabarkaas ayaa la xidhiidhay sidii ay dumarku uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka golaha deegaanka iyo baarlamanka ee soo socda. Waxaa bixinaayey tobabarkaas urruka Somaliland Women Solidarity oo ay ka socotay xildhibaanada Faadumo Cali Madar.

Haweenka qaatay tobabarka ayaa ka kala yimi gobolada sida, Awdal, Sanaag, Saaxil, Sool, Maroodijeex, Togdheer iyo deegaano kale oo ka tirsan Somaliland, waxaa halkaas ugu horayn ka hadashay xildhibaan Faadumo Cali Madar waxaanay hadalkeeda ku bilawday

“Anigoo ah Xidhibaan Faadumo Cali Madar iyo Nafiisa Yuusuf oo ka socota Nagaad, ana waxaan ka socdaa urur la yidhaahdo Somaliland Women Solidarity oo ka shaqeeya Norway, aniga iyo guddidayda waxaanu Norway uga nimi in aanu tobabar siino haweenka u taagan inay ka qayb qaataan doorashada golaha deeganka ee soo socda iyo deegaankaba. Maanta waxaanu tobabar siinay shan iyo labaatan dumar ah, kuwaas oo ka kala yimi lixda gobol ee Somaliland, tobabar kaas oo ah miday ka faa’idaysanayaa xiligan, noocyada aanu siinay waxaa ka mida sidii ay codkooda u gudbin lahaayeen, kiisaska ay u kulul yihiin dadka ugu dhaadhicin lahaayeen. Anaga iyo Nagaad waxaanu doonaynaa in aanu soo kicino tirada haweenka doorashooyinka ee sanadkan ku guulaysan lahaa golaha deegaanka, imikana waxaanu isugu yeedhnay kuwii hore siyaasiyiinta u soo noqday iyo kuwo imika doonaya inay kala faa’idaysan oo aqoon is waydaaris meesha ka dhaco, iyada oo markaas la kala faa’idaysaano khibrada, kuwaas oo ay kuwii hore ka mid tahay wasiir Samsam, Adan Aadan, Shukri Xaaji Baandare iyo qaar kale oo badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin magacyadooda, waxaanay dumarka u sheegi doonaan inay iyagu is taageeraan codkana is siiyaan. Ujeedada aanu u dadejinay waxa weeyaan inay imikaba ka sii faa’idaystaan sidii ay u ololayn lahaayeen, isla markaana u heli lahaayeen cod bixiyaal badan oo dumar ah. Waad otahay oo hada waxaa socda in dumarka la doonayo in kooto codkooda la galiyo, markaa dumarka waxaanu ku dhiiri galinaynaa sidii ay u doonaan lahaayeen wax ka maqan. Sidaas daraadeed mar walba waxaanu ku hawlanahay sidii aanu u dhiiri gelin lahayn dumarka doonaya inay ka muuqdaan siyaasada.

Dhanka kale waxaa iyana halkaas ka hadashay Nasiif Yuusuf oo ku hadlay magaca ururka haweenka ee Nagaad, waxaanay tidhi “Waxaan aad ugu mahad naqayaa ururkan ka jira Norway ee ay faadumo Cali Madar iyo Xildhibaanadu hogaaminayaan, aad ayaanu ugu mahad naqaynaa maadama oo ay dalkoodii ku soo celiyeen inay ku tobaba baraan dumarka u diyaarka ah murashaxnimada, waxaanu ka rajaynaynaa in aanay noqon markii ugu horaysay, balse hada iyo mar kaleba ay arrimahaas kala shaqeeyaan haweenka”.

Ugu danbayntii waxaa halkaas lagu qabtay aqoon is waydaarsi ay ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo hore uga soo qayb qaatay siyaasada Somaliland.