Faa’iidada Caafimaad Ee Ay Leedahay In Marka Guriga La Yimaaddo Dhaqso Loo Bixiyo Kabaha

47
3151

Belgium (Geeska)- Hay’adda cilmiga qanjidhada ee Yurub oo ay xarunteedu tahay magaalada Barcelona ee dalka Spain ayaa ku talisay in kaba la iska bixiyo isla marka suuqa ama shaqada laga soo noqde ee guriga la yimaaddo. Waxa ay hay’addu sheegtay suurtagalnimada in maaddooyinka kiimikaad ee kabuhu ay soo qaataan inta lagu socdo, ay raad taban ku yeeshaan dhumucda unugyada iyo tiradoodaba. Waxa kale oo saamayn ku yeeshaan amateedka / doonista cuntada ee qofka iyo sida uu jidhkiisu u gubayo Kalooriska.

Waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in qofku inta uu wato hawlmaalmeedkiisa joogtada ah uu la kulmo tiro kala duwan oo ah maaddooyin kiimikaad, kuwaas oo badhkood u soo gudbo jidhka. Maaddooyinkaasi haddii ay jidhka u soo gudbaan waxa ay la falgalaan hormoonnada kala duwan ee jidhka, waxa aanay keeni karaan dhibaato caafimaad darro.

Kabuhu marka bannaanka la’ la joogo, waxaa marar kala duwan dhacaysa in ay ku istaagaan ama siyaabo kala duwan u gaadhaan curiyeyaal khatar keeni kara, ama wasakhaysan, kuwaas oo haddii ay jidhka gaadhaan dhaawac ku keenaya caafimaadka qofka. Si looga hortago in curiyeyaashaas iyo wasakhdaasi ay guriga u gudubto, ama jidhka qofka gaadho, waxaa muhiim ah in isla marka aynu guryaha nimaadno aynu kaba bixinno oo weliba la dhigo meel aan xasaasi ku noqon karin guriga, sida meelaha cuntadu ka dhowdahay, ama carruurtu taataabanayso.

Waxaa jira cilmibaadhiso hore oo iyaguna daahfuray khatarta caafimaad ee ku jirta maadadda Phthalates oo ah isku dhisyo kiimikaad oo laga helo wax-soo-saar badan oo dadku isticmaalo, gaar ahaan cadarrada iyo waxyaabaha la isku qurxiyo.

Haddaba si jidhkeenna aynu uga ilaalinno maaddooyinka kiimikaad ugana fogeyno waxa ay hay’addani ku talisay in aynu ka dheeraanno in cuntada iyo cabbitaannada aynu ku kaydsanno ama ku dhigno weelka caagga ka samaysan, in aynu aad u isticmaalno cuntooyinka iyo cabbitaannada ku jira quraaradda, ama birta alamuuniyaamta ah. Waxa kale oo ay hay’addu ku talinaysaa in guryaha laga yareeyo roogagga, oo ay sheegtay in uu ku ururo boodhka oo uu ku jiro ka hadha kabuhu, kaddibna dhibaato ku keenaan caafimaadka. Waxaa iyaduna muhiim ah in marka la nadiifinayo la iska ilaaliyo isticmaalka dareereyaasha ay ku jiraan maaddooyinka kiimikada ahi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here