Nin 30 Sano Iska Dhigayey Amiir Sucuudi Ah Oo Fashilmay, Kaddib Markii Uu Hilib Doofaar Cunay

0
1039

Washington (Geeska)- Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa baahiyey faahfaahin dheeraad ah oo la xidhiidha tuug Maraykan ah, oo muddo 30 sano ah iska dhigayey Amiir Sucuudi ah. fashilaaddan ayaa timid kaddib markii ay si kedis ah u caddaatay in ninka Amiirka sheegtaa uu cuno hilibka Doofaarka.

Wargeysku waxa uu sheegay in Anthony Gignac oo ah 47 jir asalkiis ka soo jeedo Colombia, uu tan iyo sannadkii 1991 kii, isku ekeysiinayey Amiir ka tirsan qoyska boqortooyada Sucuudiga, waxa aanu ku noolaa nolol barwaaqo iyo ladnaan badan. Waxa uu lahaa guri qaali ah oo ku yaalla magaalada Miami ee dalka Maraykanka, waxa aanu lahaa baabuur kuwa raaxada ee qaaliga ah, waxaa ka mid ah Ferrari, oo moodeelladiisa qaar la siiyo 315 kun oo doolar iyo Rolls-Royce oo isna noocyadiisa casriga ah lagu iibiyo 250 kun oo doolar.

Ninka Amiirka sheegtay hantida kale ee uu lahaa waxaa ka mid ahaa dahab tiro badan, saacadaha qaaliga ah ee Cartier iyo Rolex iwm.

Amiir Gignac ayaa la sheegay in uu hadyado badan oo qaaliya ah ay siin jireen dad qaddarinaya qoyska uu sheegay in uu ka soo jeedo iyo mansabkooda boqortooyo, ama danaynaya hantida iyo dhaqaalaha ay ku tuhmayeen oo ay doonayeen in uu xidhiidho ganacsi iyo maalgashi la yeesho.

Sannadkii 2008 ayaa mar la xidhay Gignac, waxa aana la soo taagay maxkamad ku eedaysay been-abuur iyo in uu khasaare iyo dhaawaca gaadhsiiyey hantida iyo maaliyadda dadweynaha. Laakiin muddo gaaban gudaheed ayaa uu Gignac xabsigan ka baxay, xukunkii ciqaabta ahaa ee ku dhici lahaana ka badbaaday, waxa aana lagu sii daayey damaanad lacageed.

Ugu dambayntii Amiirka beenta ah waxaa si kedis ah loo ogaaday mar uu nin gacanyareyaashiisa ka mid ahi uu la xidhiidha ganacsadaha maalgashada hantida ma guurtada ah iyo kirada guryaha ee Jeffrey Soffer. Isaga oo u sheegaya in Amiirka Sucuudiga ahi jecelyahay in uu lacag dhan 440 milyan oo doolar ku maalgashado guryo ku yaalla meelaha loo nasasho tag oo ay shirkadda Soffer leedahay.

Maadaama oo uu Soffer ogolaaday maalgashiga loo soo jeediyey, waxa isaga iyo Amiirka dhex maray dhowr kulan oo ay arrintan ku soo gorfaynayeen, laakiin waxaa yaab ku noqotay markii uu si kedis ah u ogaaday in Amiirku uu cunayo hilibka doofaarka. Arrintani waxa ay maalqabeenka Soffer ku abuurtay shaki badan, kaddib waxa uu la xidhiidhay waaxda amniga oo uu ka codsaday bal in ay si aad ah u hubiyaan cidda uu dhab ahaan yahay Amiirku. Baadhitan ayaa lagu ogaaday xaqiiqada amiirka.

Bishii Noofambar ee 2016 ayaa xabsiga loo taxaabay Gignac, baadhis lagu sameeyey qasrigii uu deggenaana waxaa lagu soo helay waraaqo badan oo aqoonsi oo been abuur ah, lambarro iyo tirsiyo diblumaasiyadeed oo been abuur ah, kaadhadhka bangiyada iyo lacag kumannaan doolarka Maraykanka ah, waxa kale oo laga helay xisaab-celinno iyo dhukumantiyo xisaabeed oo uu ku qoran yahay magaca qof ka tirsan qoyska boqortooyada Sucuudiga.

Gignac waxa ugu dambayntii bishii shanaad ee sannadkan 2018 ka qirtay in uu ku kacay falal been-abuurid dhukumantiyo ah iyo khiyaamo uu fuliyey isaga oo iska dhigaya in uu ka mid yahay amiirrada boqortooyada. Waxa kale oo uu garsoorka u qirtay lacago tiro badan oo uu ganacsiyo iyo xeelado kale oo been ah kaga ururiyey dad moodayey in uu yahay amiir Sucuudi ah oo lacag leh. Waxaa xusid mudan in Gignac aanu sheegan jirin amiir keliya, balse uu lahaa aqoonsiyo been abuur ah oo kala duwan, oo uu ku sheeganayo magacyo amiirro kala duwan oo Sucuudi ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here