Faa’idooyinka Caafimaad Ee Quraacda: Waxa Ay Yaraysaa Dhiig Karka, Wadne Xanuunka Iyo Macaanka

0
674

Berlin (Geeska)- Sida ay muhiim u tahay in qofku uu gaadhigiisa shidaal ku shubo, si uu ugu shaqeeyo ayaa uu jidhkeenuna marka uu maalinta oo dhan soo shaqeeyo u baahan yahay hurdo iyo nasasho, laakiin maalinta labaad marka uu ka soo tooso hurdadii xalay, waxa uu u baahan yahay in uu maalintiisa ku bilaabo quraacda oo jidhka u ah shidaal iyo il aasaasi ah oo uu tamarta ka helo si uu si firfircoon hawl-maalmeedkiisa ugu qabsado. Warbixin kooban oo ay shabakadda MBC oo Geeska Afrika soo xigtay ay arrintan ka bixisay ayaa sheegaysa in quraacdu ay leedahay faa’idooyin aad u tiro badan, oo ay ugu mudan yihiin; in jidhka ay siiso tamar, in jidhku uu ka helo maaddooyin cunto oo jidhka muhiim u ah, sida faytamiinnada iyo macdanaha kale, iyo in jidhku uu ka helo firfircooni, isla markaana ay maskaxdu awood u hesho in ay iska caabbido niyad-jabka iyo culaysyada kale ee nafsiga ah.

Khubarada ku xeel-dheer faa’idooyinka caafimaad ee uu qofku ka helo cuntada oo ay MBC soo qaadatay qaar ka mid ah ayaa sidoo kale xaqiijiyey in quraacdu ay jidhka u ilaaliso miisaanka caafimaadka qaba, oo haddii uu qofku ku dadaalo nooca cunto ee uu cunayo iyo xaddiga uu ka cunayo ay hubaal tahay in miisaankiisu aanu ka kordhayn intii loo baahnaa. Quraacdu waxa ay xakamaysaa gaajada maalintii oo dhan, waxa aanay qofka fursad u siinaysaa in aanu qadada isku badin, maadaama oo aanu gaajo badan dareemayn kol haddii uu quraacday. Sidoo kale yeynaan illaawin in quraacdu ay ka qayb qaadato hoos u dhigidda heerka kalastaroolka aan fiicnayn ee dhiigga raaca, yaraynta dhiig karka, wadne xanuunka iyo macaaanka, waa haddii uu qofku iska ilaaliyo quraacda ah cuntooyinka uu dufanku ku badan yahay.