Ka Bogo Faa’idooyinka Tirada Badan Ee Ay Toontu Caafimaadka U Leedahay

0
905

Sydney (Geeska)- Cilmi-baadhis caafimaad oo ay sameeyeen xeel-dheerayaal u dhashay dalka Ustaraaliya ayaa daahfurtay in toontu ay tahay hub faa’ido badan oo lagula dagaalami karo, dhiig karka. Cilmi-baadhistan oo tijaabadeeddii muddo 12 Toddbaad ah lagu samaynayey 50 qof oo bulaan ah ayaa sheegaysa in toonta ay ka kooban tahay boqolkiiba 49 barootiinno ah, boqolkiiba 25 saliidda ah saliidda aan duxda lahayn ee afka qalaad lagu yidhaahdo volatile oil iyo inta soo hadhay oo isugu jirta cusbo, hormoonno, maaddooyin kaadida badiya isla markaana nadiifiya kaadi mareenka, maadadda beerku soo daayo ee Bile oo xamaytida ku kaydsanta faa’idooyinkeedana ay ka mid tahay in ay dheef-shiidka caawiso, dheecaannada afka qalaad Enzyme lagu yidhaahdo, maaddooyin dufanka jidhka ka nuuga, maaddooyin awood badan oo dirxiga iyo noolaha kale ee jidhka ku dhalan kara dila iyo maaddooyin awood badan oo dili kara noolaha cudurka dhaliya iyo jeermisyada kala duwan. Toontu waxa ay qofka ka dishaa Amiibada, bakteeriyada keenta Tayfoodhka, fayrasyada keena noocyada kala duwan ee hargabka, waxa ay dawaysaa Roomatiisanka, soo baxa, nabarrada cagaha hoose iyo faraha luga dhexdooda ku samaysma, calool xanuunka, timaha oo daata, bidaarta ama boogo timuhu ka daataan oo madaxu yeesho, waxa ay jidhka ka ilaalisaa sunta, gaar ahaan dumarka uurka leh oo ay u fiican tahay si ay jidhkooda uga ilaaliso noocyada kala duwan ee sunta.

Qofka oo maalin kasta cuna laag toon ah badhkeed oo aan karsanayn waxa ay jidhkiisa ka ilaalin kartaa dhammaan noocyada kansarka, waxa ay awood u leedahay in ay xakamayso khatarta ka dhalata wadne xanuunka, iyo xanuunnada ku dhaca marinnada dhiigga, waxa ay yaraysaa kalastaroolka, waxa ay dejisaa dhiig karka, sidoo kale waxa ay ka hortagtaa in dhiiggu uu guntamo, taas oo ah qaab qofka ka ilaalinaysa in ay xididdada dhiiggu xidhmaan, taas oo keeni karta in uu dhiiggu gaadhi waayo shanta xubnood ee ugu muhiimsan aadamaha oo ah, wadnaha, beerka, kelyaha, sambabbada iyo maskaxda.

Digniin: Khubarada caafimaadku waxa ay ka digayaan in qofka calooshiisu xasaasiyadda leedahay cuno toonta, waayo waxa ay ku keenaysaa olol, sidoo kale toonta cunisteedu ma fiican subaxda hore inta aan la quraacan.