Khatarta Lix Beenood Oo Ah Malo-Awaal Ay Dhalinyaradu Inta Badan Naftooda Ugu Sheekayaan Guurka Hortii (Q:1)

0
609

Hargeysa (Geeska)- Guurka ka hor, dhalinyarada rag iyo dumarba waxaa masaxdooda ku qufulan sawirro malo-awaal ah oo uu ka haysto guurka, laakiin badankoodu ay qaldan yihiin. Sababtu waa waayo-aragnimo la’aanta, iyo Aqoon darro ka haysata arrimahan iyo midda saddexaad oo ah da'da qofka oo yar, welina aanu u bislaan in ay maskaxdiisu kala shiisho arrimo noocan ah. Khubarada cilmi nafsiga oo daraaseeyey xidhiidhka lammaanaha is qaba ayaa caddeeyey in inta badan dhalinyarada damacsan guurku aanay u fikirin si waaqic ah oo caqliyadi hagayso, keliya waxa ay ku nool yihiin is moodsiis iyo malo-awaal.

Xeel-dheerayaashani waxa ay sheegeen lix qodob oo dhammaantood ah been balse qof kasta oo dhalinyaro ah maskaxdiisa ku jira marka uu guurka u socdo, qodobbadaas oo uu Geeska Afrika akhristayaashiisa la wadaagayaa, waxa ay kala yihiin:

1. Beenta Koowaad: ‘Jacaylku waa nolol’ .. ‘Jacaylku waxa uu sameeyaa mucjisooyinka’ iyo halku dhegyada kale ee macaan ee jacaylka ay ku tilmaamaan: haddaba fikirkaasi ma’aha mid sida ay u dhigayaan u wada bad-qaba, waayo khubarada cilmi nafsigu waxa ay cilmi ahaan ogaadeen in kasta oo dareenka lammaanuhu qayb ka yahay dhismaha qoyska haddana in runtu tahay waxa uu guurku ku dhismaa in aanu ahayn jacaylka oo keliya. Waxa jira wax yaabo aad u badan oo lagama maarmaan u ah dhismaha qoys ku waara badhaadhe, waxaana ka mid ah in lammaanuhu iskaga mid yihiin ama isaga dhaw yihiin, dhinaca qiyamka, heerkooda bulsho, da'da, shakhsiyadda, dhinaca fikirka iyo saadaashaa aragtida.

Haddaba beentan ah in uu jacaylu yahay mucjiso kelideed qoys negi oo badhaadha dhistaa waa sababta keenta in aynu in badan aragno lammaane jacayl adagi ka dhexeeyey, balse guurkooda kadib si fudud u kala tegey.

2. Beenta Labaad: Waxa uu raadinayaa xiddig leh tilmaamo khayaali ah iyo humaag ay maskaxdiisu u malo-awaashay, markaasuu raadiyaa gabadh ama haddii ay gabadh tahay wiil leh tilmaamahaas maskaxdiisa uun uu ka sawirtay; Nafsi ahaan qof kasta oo dhalinyaro ahi waxa uu maankiisa geliyaa sawirka malo-awaalka ah ee inanka ama inanta uu doonayo in uu nolosha la wadaago, kaas ayuu ku eegaa lammaanaha uu nolosha la wadaagayo, isaga oo sheega in inantaasi ama inankaasi yahay ama aanu ahayn kii riyadiisa ahaa. Haddaba waxa ay khubarada cilmi nafsigu caddeeyeen in mar kastaba sawirka malo-awaalka ah ee dhalinyaradu maskaxda gelisaa yahay mid khayaali ah, isla markaana aanay suuro gal ahayn in uu helo lammaane daboola ama dhoweeya sawirkaas iyo tilmaamahaas ay maskaxdiisu u sawirayso, taasi waxa ay keentaa in uu naco ama fahmi waayo lammaane kasta oo uu barto. Waxa ay khubaradu ku taliyeen in aynu ku jirno xilli aanu jirin qof xiddig lagu sheegi karo, xataa in adigu aanad ahayn xiddig la majeerto, sidaa awgeed waa in aanad isku mashquulin raadinta qofka sawirkiisu maskaxdaada ku jira. Keliya eeg in lammaanuhu shakhsi ahaan iyo da' ahaan kugu dhaw yahay. La Soco…