Marka Da’da Dhexe La Gaadho Dumarka Ayaa Ka Xusuus Xooggan Ragga

0
711

1Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in dumarka ay da’doodu u dhexeyso 45 illaa 55 sano ay leeyihiin xusuus aad uga sarraysa ta ragga da’daas ah. Natiijada Cilmibaadhis Geeska Afrika soo turjumay oo lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in isbarbar dhig lagu sameeyey xusuusta ragga iyo dumarka da’da dhexe ee cimrigooda ku jiraa ay daahfurtay in celcelis ahaan dumarka iyo ragga da’dan ahin ay ka xusuus fiican yihiin ragga.

Intii cilmibaadhistani socotay waxaa ay xeeldheerayaashu baadhis tijaabo ku sameeyeen 212 ruux oo ah rag iyo dumar da’doodu u dhexeyso 45 – 55 sano iyada oo la qiimaynayey awoodda xusuustooda, iyo fariidnimada ama heerka garaadkooda iyada oo laga eegaya dhinaca awoodda hadalka, ereyeynta, is-raac-raacinta iyo gudbinta fikirka oo ah waxa afka qalaad  loo yaaanno Verbal IQ ama dhinaca fahamka ereyada iyo muddada fahamka iyo go’aan ka qaadasho ee maskaxda. Waxa aanay khubaradu baadhistooda ku soo ururiyeen in dumarku ay ka xusuus badan yihiin ragga ay isku da’da iyo duruufaha yihiin, taas oo ah iyaduna waxa afka qalaad lagu yidhaahdo Processing IQ.