Geeska Afrika Oo Helay Warqadda Ay Somaliland U Dhiibtay Danjire Nicholas Kay

4
504

Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrikaayaa akhristayaashiisa afka hooyo ugu soo turjumay nuqul ka mid ah warqaddii ay dawladda Somaliland u qortay ergeyga cusub ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u soo magacaabay Somaliland iyo Somaliya, taas oo lagu cadeeyay inaanay Somaliland ogolayn in Hargeysa laga furo xafiiska cusub ee UNSOM.

Warqadaas oo uu ku saxeexnaa Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar, saxaafadda looma qaybin balse nuqul ka mid ah ayuu Geeska Afrikahelay, waxaanay iyadoo dhammaystiran oo aanu soo turjunay u qornayd sidan:  “Waxa aan aad ugu faraxsanahay go’aankaaga ah in aad Somaliland soo booqato xilli aad waqti yar uun haysay xilkaaga wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey. Dawladdaydu waxa ay rajaynaysaa in magacaabistaadani ay sii xoojin doonto iskaashigii ka dhexeeyey Somaliland iyo Qaramada Midoobey, si taas aanu u fududaynana waxa aanu jecel nahay in aanu caddayno mawqifkayaga iyo in aanu kula wadaagno aragtidayada ku aaddan sida ay nala tahay in loo horumarin karo xidhiidhka Qaramada Midoobey iyo Somaliland.

Sida aad la socoto, waxaa annaga na hagaya xaqiiqada ah in ay Somaliland madaxbannaan tahay. Dadkayagu sannadkii 1991kii ayaa go’aansadeen in ay soo af-meeraan midowgii tabaruca ahaa ee aanu Soomaaliya kula jirnay, oo soo bilowday sannadkii 1960kii, markii aanu xorriyaddayada ka qaadannay Ingiriiska. Go’aankaas oo lagu ansixiyey afti dadweyne oo la qabtay sannadkii 2001da iyo doorashooyin guud oo si is-daba joog ah ay dadkayagu ugu codaynayeen xisbiyo taageersan madaxbannaanidaas. Go’aanka dadka iyo dawladda Somaliland waa in aan dib loo noqonayn. Waxaa taas ka sii muhiimsan, in (Dib u noqoshadu) ay burinayso dastuurkayaga oo ay ku caddahay in aanu nahay dal madaxbannaan.

Waa aanu fahamsannahay, in kaalinta siyaasiga ah ee UNSOM ay tahay in dib loo dhiso Soomaaliya oo federal ah iyada oo loo sii marayo taageero caalamiya oo midaysan isna fahamsan, iyada oo ay sidaa tahay ayaa ay haddana doonaysaa (UNSOM) in ay xafiis-hoosaad ka furato Somaliland. Taasi waxa ay iska indho tiraysaa xaqiiqada jiritaanka Somaliland iyo in ay tahay qaran madax bannaanaa tan iyo 1991kii iyo weliba xuquuqdii aayo-ka-tashi ee ay dadkayagu lahaayeen. Maadaama oo ujeedada xafiiskani ay tahay in hawlaha shaqo ee dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya lagu soo fidiyo Somaliland, dawladdaydu waxa ay u aragtaa in joogitaanka UNSOM ee Hargeysa aanu dan u ahayn dalkayaga. Sidaa awgeed ma ogolaan karno in xafiiska siyaasadda ee UNSOM uu ka shaqeeyo Somaliland.

Si kastaba ha ahaato ee, waxa aanu rajaynaynaa in ay sii socoto wada shaqaynta aanu la leenahay dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka shaqeeya hawlaha bani’aadamnimada iyo horumarinta, kuwaas oo taageerada ay ka geystaan horumarka Somaliland aanu aad u garowsannahay. Waxa aanu jeclaan lahayn in aanu aragno korodhka kaalmada Qaramada Midoobey ee dhinaca horumarka si waafaqsan qorshaha qaran ee horumarinta Somaliland. Taas oo Somaliland fursad u siin doonta  in ay sii xoojiso guulaha waaweyn ee ay imikaba ka gaadhay dimuqraadiyadda iyo dhismaha hay’adaha dawladda. Waxa ay sidoo kale naga caawin doontaa in dariiqa aanu u marayno horumarkayagu uu noqdo mid annaga naga yimi. Laakiin si ay u noqoto (Caawimada Qaramada Midoobey) mid sida ugu habboon u daweynaysa baahida gaarka ah ee Somaliland, waxa aanu dalbanaynaa in barnaamijyada horumarineed ee Qaramada Midoobey laga maamulo Hargeysa oo aan Muqdisho looga arrimin.

Gacanta ay Qaramada midoobey ka geysanayso xoojinta hay’adaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waa in ay noqotaa mid si buuxda u tixgelinaysa saamaynta ay ku yeelan karto Somaliland. Arrintii dhowaan dhacday ee la xidhiidhay maamulka hawada sare waxa ay si cad u muujinaysaa khatarta ku xeeran in lagu socdo habka ah in la isku qaado arrimaha khilaafka abuuri kara ee labada dhinac wadaagaan. Waxa aanu soo jeedinaynaa in UNSOM ay qaaddo dhammaan tallaabooyinka dhowraya guulaha Somaliland ay gaadhay, sida uu qabo mabda’a ah, “Haugadarin”

Wada hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya  waxa ay keensanayaan sinnaanta labada dawladood, si ay uga wada hadlaan iska kaashiga arrimaha labada dhinac khuseeya sida nabadgelyada, iyo sidoo kale in ay isla meel dhigaan nooca uu noqon doono xidhiidhkooda mustaqbal, sida uu dhigayo habkii mar labaad lagu la iskula qaatay shirkii ugu dambeeyey ee London. Go’aamadii mar labaad ay labada dhinac iskula qaateen shirkii Ankara ee 13kii bishii Afaraad waxaa sidoo kale laga soo dhoweeyey shirkii bulshada caalamka ee bishii hore dhacay, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeyna si xooggan ayaa uu ugu taageeray warbixintii uu dhowaan soo saaray.

Waxa ay Somaliland u aragtaa wada hadalladani in ay qayb ka yihiin dadal caalamiya oo lagu xoojinayo nabadda iyo xasiloonida Geeska Afrika. Waa suurtogal in uu yimaaddo waqti xafiiskaaga xurmada mudan looga baahan karo in uu naga caawiyo sidii loo sii xoojin lahaa wada hadallada, marka ay taasi timaaddana waa aanu soo dhoweyn doonnaa gacanta aad taas ka geysato. Waxa aanu jecel nahay in aanu ku celcelinno aragtidayada ah in ujeedada wada hadalladu (Somaliland iyo Soomaaliya) aanay ahayn in laga wada hadlayo booska ay Somaliland ku yeelanayso qaab-dhismeedka Fedaraalka ah ee Soomaaliya. Wada-hadalku waa in uu ku dhisnaado qodobbadii ay labadada dawladood ku heshiiyeen Ankara, Dubai iyo Schevening, oo ay waajib tahay in ay ixtiraamaan madax bannaanida Somaliland.

Ugu dambayntii, waxaa muhiim ah in aanu caddayno in Somaliland ay Soomaaliya u aragto dal deriskeeda ah oo ay lama huraan tahay in ay xidhiidh fiican la yeelato

Waxa aan mar labaad kuu xaqiijinayaa qaddarinta weyn ee aan kuu hayo.

Comments are closed.