Ergayga Qaramada Midoobay Ee Somaliland Iyo Somaliya Oo Maanta Hargeysa Imanaya Iyo Qodobada La Filayo Inay Ka Wada Hadlaan Madaxweyne Siilaanyo

1
475

Picture7Hargeysa(Geeska)-Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Nicholas Kay, ayaa la filayaa inuu maanta caasimadda Hargeysa ku yimaado safarkiisii u horeeyay.

Danjiraha oo muddo ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxa la filayaa marka uu Hargeysa yimaado inuu toos ugu tago Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo. Danjirahani, sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi wuxuu Hargeysa ku imanayaa diyaarad uu soo kiraystay maadaama oo ay Somaliland xayiraad saartay duulimaadyda Qaramada Midoobay. Qodobkan xayiraadda duulimaadyada Qaramada Midoobay ayaa noqonaya mawduuca koowaad ee uu ergaygani kala hadli doono Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaana suurtogal ah inuu si diblomasiyadeed uga codsado Madaxweyne Silaanyo inuu ka noqdo go’aankaas.

Qodobka la filayo inuu Madaxweyne Siilaanyo isaguna dhinaciisa kala hadli doono ayaa ah xafiiska cusub ee UNSOM oo bedelay UNPOS kaas oo xaruntiisa 1aad ka furtay Muqdisho. Ka sokow xukuumadda Somaliland, shacabka ayaa qodobkaas u arka mid ahmiyadiisa leh oo loo baahanyahay inay xukuumadda Somaliland ka badheedho, maadaama oo hay’adaha Qaramada Midoobay ee Hargeysa joogana laga maamuli doono dalka Somaliya.

Ilo xogogaala ayaa sidoo kale Geeska Afrika u xaqiijiyay inuu diblomaasigan ka soo horeeyay sarkaal kale oo Ingiriis ah oo madax ka ahaan jiray xafiiska Somaliland iyo Somaliya ee Ingiriiska oo dhawaan shaqada laga bedelay. Lama garanayo in socdaalkoodu isku xidhiidhsanyahay waxase suurtogal ah inay si uun u wada socdaan.

Comments are closed.