Askar Ka Tirsan Ciidamada AMISOM Oo Bahdilay Taliyaha Booliska Somaliya Oo Ay Ka Horistaageen Inuu Galo Xero Ay Ilaaliyaan

0
570

Picture6Muqdisho(Geeska)-Laba askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa shalay bahdil ku sameeyay taliyaha ciidamada Booliska Somaliya Gen. Cabdixakiim Daahir Siciid (Saacid), oo doonayay inuu galo gudaha hoyga loo yaqaano Xalane.

Hoyga Xalane ayaa ah dhisme ay degenyihiin madaxda AMISOM iyo kuwa Qaramada Midoobay, waxaana amnigeeda maamula ciidamada AMISOM, waxaanu taliyuhu halkaas u tagay inuu ka sii horumaro Madaxweynaha Somaliya oo halkaas kula kulmayay wefti ka socday Midowga Yurub. Hase yeeshe labada askari ee ka tirsanaa AMISOM ayaa taliyaha iyo ciidamo uu watay ka horistaagay inuu galo gudaha, iyagoo sheegay inay amar ku haystaan inaanay cidi geli karin, maadaama oo ay masuuliyadeeda gacanta ku hayaan iyagu. Cod lagu duubay telefoonka gacanta ayaa laga maqlay taliye Saacid oo ku tiraabayay inuu yahay taliyaha Booliska Somaliya, masuulna uu ka yahay amniga iyo labada askari oo ku qaylinaya inaanu sinaba u geli karin, iyagoo ku hanjabayay inay ciidamadooda la bixi doonaan.

Arrintan ayaa muujinaysa inay madaxda Somaliya yihiin maqaar saar oo ay Somaliyana maamulaan dawlado shisheeye.