Nelson Mandela Oo Maalintii 7aad Cisbitaal Ku Jira

0
560

Hargeysa(Geeska)- Nelson Mandela ayaa maalintii todbaadku jira cisbigaal loola cararay ka dib markii mar kale uu caabuq ku soo laba kacleeyay, waxaanay xukuumada Koonfur Afrika ay si taxadir leh u sheegaysaa in xaaladiisu ay degentahay.

Nelson Mandela  ayaa ah 94-jir ahaa hogaamiyahii ugu horeeyay ee dalka Koonfur Afrika ka dib markii uu dhamaaday nidaamkii midab kala sooca ee dalkaas ka jiri jiray. Nelson Mandela ayaa cisbitaalkan lagaga dawaynaayay caabuqa waxa uu jiifa wakhtiigii ugu dheera ee uu mudooyinkii ugu danbeeyay yaalo cisbitaal, waxaana guud ahaan hogaamiyayaasha diimaha ee dalka Koofur Afrika ay ula taagan yahiin duco hogaamiyahan oo lagu tilmaamo aabaha dalka Koonfur Afrika.