Ereyo Hal-Ku-Dhegyo Noqday Oo Ummado Kala Duwani Ay Jacaylka Ka Yidhaahdeen

0
874

1. Jacaylku waa sida ubaxa, qodaxdiisa ifisaana waa haweenka.

2. Jacaylku waxa uu daciifiyaa dhowrsoonaanta iyo anshax wanaagga gabadha.

3. Jacaylku waa ciyaar ay isugu soo baxaan nin iyo gabadhi, gabadha ayaan guulaysata mar kastaba, waase haddii ay iyadu doonayso in ay guulaysato.

4. Jacaylku ragga waxa uu ku yahay cudur dilaa ah, dumarkana waa u nolol badhaadhe iyo farxad nololeed.

5. Haddii aad maqasho gabadhbaa jeclaatay nin faqiir ah, waxa aad ogaataa in ay tahay gabadh waalan, haddii kale dhegehaaga ayaan caafimaad qabin ee hubi maqalkaaga.

6. Haddii ay gabadhu ninka jeclaato waa ay u baqdaa, haddii uu isagu jeclaadana waa ay ka baqdaa.

7. Jacaylku fasax ayuu gabadha uga qaataa gelidda qalbigeeda, laakiin ninka xoog ayuu ku galaa.

8. Haddii aad aragto nin kaaga cabanaya qallafsanaan iyo macaamil kakan kala kulmay gabadha, waxa aad ogaataa in uu yahay nin mar horeba isu dhiibay oo qalbigiisu uu labadeeda gacmood ku jiro.