Ninku Cabsi Uu Ka Qabo In Dookhu Ka Xumaado, Ayaa In Badan Sabab U Ah In Uu Guurka Ka Habsaamo

0
716

Picture8Hargeysa (Geeska)- Dad badan ayaa aaminsan in cabsida iyo dareenka baqdintu caadi ahaan ku yar yahay jinsiga labka, gaar ahaan, waxaa arrintan aad u aaminsan dumarka oo aad mooddo in uu ku beeran yahay dareen ah in Ina Aadam cabsidu ku yar tahay. Waana ay dhacdaaba in gabadhu aanay jeclaysan in ay maqasho in nin ay xidhiidh qoysnimo, qaraabo nimo imw ku maqasho ereyo iyo sheekooyin si uun u muujin kara in ay fulaynimo ku jirtay, waayo waxa ay la tahay in ay taasi wax weyn u dhimayso ragannimadiisa. Waxa aad in badan dumarka ka maqlaysaa, “Miyaanu nin ahayn? Maxaa uu la baqayaa ma naag baa? Iwm. Garo oo cabsida laga hadlayaa ma’aha oo keliya tan muuqata, sida in ruuxu uu ruux kale ama bahal ka baqo, balse cabsida dhabta ah ee laga yaabo in dad badani ay ku duraan ragannimada ninku waa cabsida uu ka qaado go’aan qaadashada iyo isaga oo laga dareemo ku dhicid la’aan iyo in aanu arrimaha qaar ku dhiirran.

Haddaba Dr. Paul Hawk oo ah khabiir looga dambeeyo cilminafsiga ayaa sheegay in baqdinta ugu badan ee raggu tahay laba arrimood, ka baqashada Fashilaadda iyo ka baqashada diidmada waxa uu khabiirku sheegay in boqolkiiba 80 ka mid ah raggu ay ka baqaan labadan arrimood, halka Boqolkiiba 20-ka soo hadhayna ay leeyihiin gol-jilic iyo arrimo kale oo ay ka baqaan. Ama ugu yaraan ay jiraan arrimo ay sas ka qabaan.

Wargeyskan Geeska Afrika waxa uu akhristayaashiisa u soo bandhigayaa lix arrimood oo ay khubarada cilminafsigu sheegaan in ay inta badan ee raggu ka siman yihiin ka baqashadooda:

1. Waxa ugu daran ee uu ka baqaa waa in dookhu ka xumaado:  Xorriyaddu waa kelmadda ugu muhiimsan ee ku jirta nolosha ninka, waxa ku beeran shucuur si adag uga soo horjeedda in xornimadaa uu waayo. Guurka ka hor ninku waxa uu haystaa xorriyad la mid ah ta shimbirka, halka uu doono duula iyada oo aan su'aal la weydiin ama arrimihiisa gaarka ah aan la soo farogelin. Dabeecad ahaan xaasku waa sida saacadda, waxa ay xadiddaa ama xannibtaa ballamo badan iyo masuuliyado badan, taas oo ninka ku beerta dareen cabsiyeed oo ah in haddii uu guursado uu waayi doono xorriyadahaas. Cabsidaadi waxa ay ku beertaa in uu hadba dib u riixo ballanta guurka. Cabsida kale ee inta badan dib dhigta guurka ninka iyo in uu ku dhici waayo go'aan qaadashada guurku waa baqdin uu ka qabo in dookhu ka xumaado, ama aynu nidhaahno in uu dooran kari waayo qofkii saxda ahaa.

Waxa uu ninku war war badan ka qabaa in doorashadu ka qaldanto. Waana sababta keenta in rag badani ay aad uga dib dhacaan da’da guurka ku habboon.