Quruxda Gabadha Iyo Qabka Ninku Waxay Ka Mid Yihiin Sababaha Keena In Ragga Uu Guurku Ka Dib Dhaco

0
726

Picture1Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Labaad ee qormadii uu Wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo bandhigayaa lix arrimood oo ay khubarada cilminafsigu sheegaan in ay inta badan ee raggu ka siman yihiin ka baqashadooda:

2. Jeeb Madhnaanta: Ragga badankoodu sababaha ay guurka uga dib dhacaan waxaa ka mid ah cabsi ay ka qabaan mushkilad dhaqaale iyo in ay bixin kari waayaan kharashaadka baaxadda leh ee la socda guurka iyo masuuliyadaha dhaqaale ee daba socda.

3. Quruxda gabadha: Waxa ay khubarada cilmiga xidhiidhka bulshadu aaminsanyihiin in uu ragga ku jiro dareen xoog badan oo si qaldan ugu beera aaminsanaanta ah in gabadha quruxda badani ka dhib badan tahay kana awood iyo talin jeceshahay gabadha aan quruxda badnayn.

Waana sababta ay rag badan dib uga dhacdo go’aan qaadashada guurku, gaar ahaan marka gabadha uu xidhiidhka la leeyahay ama jecel yahay ay tahay mid qurux badan, cabsi a yka qabaan darteed, waxa uu mustaqbalkoodu noqon darteed.

4. Diidmo ka baqasho: Waxa jira dareen abuur ahaan ku beeran ninka oo ah cabsi ay ka qabaan in haddii ay la hadlaan gabadha ay niyaddoodu la hayso ay kala kulmi doonaan diidmo, taasi waxa ay keentaa in ay ka war wareegaan la hadalka iyo haasaawaha gabadh ay jeclaan lahaayeen in uu xidhiidh dhex maro. Waxaana ka dhasha in guurka oo mudda dib uga dhaca. Ama waqti badani ku lumo inta ay gabadhaas si toos ah isula soo gaadhayaan goo’aanka guurka oo dabcan ay isaga tahay cidda laga filayo in uu soo bandhigo, isagiina ka baqayo.

5. Qabka Ninka: Sida ay khubarada cilmigabulshadu aaminsan yihiin ninka waxaa abuur ahaan ku beeran qab iyo madax adayg keena in uu naco wax kasta oo uu u arko in ay taabanayso karaamadiisa ninnimo iyo sarrayntiisa, sidaa awgeed waxa uu ka fogaadaa wax kasta oo uu ka baqo in uu weji gabax kaga yimaaddo ama in ay kaga timaaddo natiijo hoos u dhigta karaamadiisa iyo heerka uu bulshada dhexdeeda ka taagan yahay, ama in dadka ku xeerani u arkaan in la yasay, waana suurtogal in qabka ku jiraa uun uu sidaas tusay ee shayga uu ka baqay aanay wax dhibaato ahi kaga iman lahayn. Sidaa awgeed marar badan cabsi uu ka qabo in haddii gabadha uu dareenkiisa jacayl ama doonistiisa guur u sheego in ay ku khasaysiiso awgeed ayaa uu aad uga warwareegaa isaga oo isku dayaya in uu arrinkaasi xaggeeda ka yimaaddo, iyada oo la og yahay in gabadhuna ay jeceshay in dhinaca kale ay dareenkaas iyo doonistaasi kaga yimaaddaan, waana mid kale oo ka mid ah sababaha dib dhiga guurka ninka.