Ereyo Dareenka Qofka Si Qiiro Leh U Taabanaya Oo Aabe Wanaagsani Uu Wiilkiisa Kula Dardaarmay

0
1158

Hargeysa (Geeska)- Wargeyska Geeska Afrika oo mar kasta diyaar u ah in uu guto waajibaadka ka saaran akhristayaashiisa ee ah in uu wixii faa’ido u leh nolosha iyo maskaxda uu la wadaagaa waxa uu dardaarankan qiirada badan ka soo turjumay shabakad Carabi ah, si faa’idadiisa ay bulshadu u wada wadaagto. Aabahan Carbeed markii uu arkay in da’i hayso ayaa uu u yeedhay wiilkiisii, waxa aanu siiyey dardaarankan:

“Wiilkaygii qiimaha badnaayoow, Maalin maalmaha ka mid ah, haddii Alle Idmo, waxa aad arki doontaa aniga oo gaboobay, ficillada ana samaynayaana kuula muuqdaan ama ay yihiin ba kuwo aan maskaxda caadiga ahi qaadan karin!! Marka uu xaalkaygu halkaa gaadho, fadlan, waqtigaaga badh ii hibee, Samirna ii yeelo si aad ii fahamto… Aabo marka aad aragto gacantaydaas xoogga badan oo gariiraysa, oo cuntada aan qaato xejin kari la’, marka aad aragto aniga oo aan dharka si fiican u xidhan karin, ha iga degdegin ee Samir ii yeelo.. xasuuso dharaarihii aan ku bari jiray sida loo sameeyo waxan aan maanta anigu awoodi kari la’ahay samayntiisa!!… inankaygiiyoow, haddii aan kugula hadlo ereyo aan ku soo celcelinayo,ama xusuustu i gabto oo aan wax hore kugu soo celceliyo, ha cadhoon aabe, ha iga daalin.. xasuuso carruurnimadaadii iyo inta jeer ee aniguba aan kugu celceliyey qisas iyo sheekooyin aad ku farxaysay, oo aad si joogto ah iga dooni jirtay in aan ku celiyo!! Iga ilaali ereyada naxdinta igu ah iyo in hadalka ana hore kuu idhi marka aan kugu soo celiyo aad afka igaga soo booddo ama iga dhex gasho si aanan u sii wadin…

Aabo, haddii maanta aanan qurux badnayn, urtayduna u udgoonayn sidii aad waayo. Waayo ka urin jirtay dharkayga!! Ha i canaanan ee i caawi, xasuuso yaraantaadii, mararka badan ee aan isku dayi jiray, in aan kaa dhigo wiil qurux badan, oo udgoon!! .. Aabo, ha igu qoslin, haddii aad aragto in aan ka jaahil ahay ama aanan fahmi karin arrimaha jiilkaaga jooga, adigu ii noqo indhihii aan ku arki lahaa, iyo maskaxdii aan ku garan lahaa, si waxa i seeggan aan u soo gaadho!!.

Aabo, aniga ayaa ku soo barbaarshay, aniga ayaa ku soo edbiyey, aniga ayaa ku baray sida ay tahay in aad nolosha u waajahdo, markaa sidee ay maanta kaagaba suurtogeli kartaa in aad i barto waxa ay tahay in aan sameeyo iyo waxa ay tahay in aanan samayn??!!

Aabo! Ha ka daalin xusuustayda daciiftay, iyo ereyada ku dhawaaqistoodi igu adkaaday, iyo haddii aad mararka qaarkood aragto aniga oo ereyga aan ku odhanayo cabbaar ka fikiraya, waayo, in aynu sheekaysannaa, imika aniga farxadda keliya ee ay ii leedahay waa in aynu wada joogno!!! Keliya waxa aan kaa baryayaa in marka aan da’daa gaadho aad i siiso waqti aan ku dhammaysto waxa aan doonayo, iyo in aad ogaato in aan weli garanayo waxa aan doonayo.

Wiilkaygiiyoow, maalinta aad aragto labadaydii lugood oo i qaadi kari waayey halka aan rabay, ha i dhibsan ee xasuuso inta jeer ee aniguba aan adiga ku xambaaray si aan kuu gaadhsiiyo halka aad rabto, inta jeer ee aan cid kasta adiga kaa doorbiday ee aan socodka kuu gaabiyey si aan kuu wado. Adiguna maanta ha ka khajilin in aad gacanta i qabato, ogowna adiga waxaa ku sugaysa maalin aad u baahan doonto cid adiga gacanta ku qabato.

Wiilkaygaan jecelahayoow, maanta cimriga aan joogaa waa in aan geeri sugo, waxa aan jecelahay inta aan sii noolahay in aad ila googto oo aanad igu joogsan!!! Marka aad xasuusato qalad ama gaabis aad iga tirsanayso, waxa aad ogaataa in waxa aan doonayey uu ahaa keliya dantaada, xitaa haddii ay iga qaldantay, waxa ugu fiican ee aad maanta i tari kartaana, waa in aad qaladaadii iga dhacay iga cafido, ceebtaydana asturto, adigana waxa aan Alle kaaga baryayaa dembi dhaaf iyo in ceebtaada uu asturo. Waxa aanad ogaataa in maanta oo aad weynaatay, weli haddana qosolkaaga iyo dhoolla caddayntaadu ay iga farxinayaan sidii ay iga farxin jireen markii aad yarayd oo kale, ha iga xaaraantimayn in aan ku ag joogo…

Aabo, maalintii aad dhalatay, waa aan ku hareer taagnaa adiguna ila joog marka aan dhimanayo..!!