Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Iyo Doorkeedii Maalinta Nadaafada

0
588

Picture1

Hargeysa (Geeska)-Guddoomyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Prof: Maxamed Mixile Boqore, ayaa baaq u diray Bulshada reer Somaliland, waxaanu ugu baaqay inay aad uga feejignadaan iskana ilaaliyaan khatarta Qashinka iyo Nadaafad darada, oo uu xusay inay xanuuno keeni karaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Prof:Maxamed Mixile Boqore, oo Shalay si weyn uga qeyb qaatay ololaha nadaafada ee dalka laga xusay, ayaa sidoo kale aad ugu mahadnaqay qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaanu uga mahadnaqay sida ay uga qeyb qaateen Ololahan Nadaafadeed, isaga oo ku dhiirigeliyey inay mar walba ku dadaalan ilaalinta Nadaadafada, waxaanu xusay in qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Shaqaaluhu ay aad uga qeyb qaateen ololahan, isla markaana uu aad ugu mahadnaqayo

Dhanka kale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Prof:Maxamed Mixile Boqore, ayaa Madaxda, Wasiiradda, Shaqaalaha iyo Wasaararddaha kala duwan ee dalka ku amaanaya sida ay uga qeyb qaateen Ololahan Nadafadeed, isaga oo si gaar ah ugu mahadnaqay Madaxweynaha,