Ereyo Dadyow Kala Duwani Jacaylka Ka Yidhaahdeen

0
855

1. Jacaylku waa cadaab loo adkaysan karo, Nolosha aan jacaylku wehelininna waa nimco aan loo adkaysan Karin.

2. Saaxiibtinimada dadka kala jinsiga ahi waxa ay isu beddeli kartaa Jacayl, laakiin jacaylku kuma soo noqon karo saaxiibtinimo.

3. Jacaylku waa Boqor digtaatoor ah, sidaa awgeed wuu ka sarreeyaa sharciga.

4. Jacaylku waa sida colaadda oo shidistiisu waa ay fududdahay, baqtiintiisuna waa ay adag tahay.

5. Jacaylku waa ciyaarta keliya inta ay dhex marta (Ay wadaagaan) laba qof, ay labadooduba guulaystaan ama wada khasaaraan.

6. Jacaylku waa qayb ka mid ah jiritaanka ninka, laakiin gabadha jiritaankeeduba, dhammaantii waa jacaylka.

7. Waa suurtogal in uu jacaylku kelmad keliya ka dhasho, laakiin weligiiba kelmadi ma ay baqtiin.

8. Qofka jacaylku hayaa wax kasta waa uu rumaystaa ama wax kasta wuu beenaystaa.

9. Qof kasta oo dhalinyaro ahi waxa uu ku hammiyaa Jacayl, kadib maal, kadibna caafimaad. Laakiin waxa soo marta da’ dambe oo uu ku hammiyo, Caafimaad, Kadib maal, jacaylkana uu ugu dambaysiiyo.

10. Is-fahmi-waaga dhinaca jacaylka ee ka dhex jira ragga iyo dumarka, waxaa u sabab ah keliya, Ninka oo doonaya in uu noqdo qofka ugu horreeya ee gala qalbiga gabadha iyo gabadha oo doonaysa in ay noqoto qofka ugu dambeeya ee gala qalbiga ninka.