Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Kulan Uu Madaxweyne Siilaanyo La Yeeshay Oo Ay Arrimaha Doorashooyinka, Muddo Kordhinta Iyo Qodobo Kale Kaga Wada Hadleen

0
472

oneHargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay kulan isaga iyo Madaxweynaha Somaliland habeen hore dhexmaray, waxaanu sheegay inay Madaxweynaha ka wada hadleen arimo badan oo Doorashooyinka iyo muddo kordhinta la sugayo ku saabsan.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika sidoo kale sheegay in aanu Madaxaweynuhu doonaynin muddo kordhin, ee dad dano gaar lihi ay doonayaan muddo kordhinta, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu ka tago dhaxal, oo aan lagu xad gudbin heshiiska Xisbiyada iyo Komishanka doorashooyinka .

Faysal oo ka hadlaya kulanka uu madaxweyne Siilaanyo la yeeshay wuxuu ydihi  “Anigu waxa aan imid 24-bishii, aniga oo muddo badan oo afar bilood ah maqnaa, waxaana la soo kulmay arimahan iyo muranka taagan, ee Doorashooyinka, maalintii hore ee aan imidna waxa sheegay in wixii war ah ee aan hayo ka waramo, Madaxweynahana aan la kulmo, Madaxweynaha Xalay (Habeen hore) ayaan la kulmay, markii aan la kulmayna waaxaan warbixin iyo faah-faahin ka siiyey Tobankii Wadan ee aan maray, wixii aan kala soo kulmay, dadkeena dibadu sida ay ku nool yihiin fikradaha ay qabaan”.

Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey arimaha gaarka ay ee ay Madaxweynaha ka wada hadleen ayaa ydhi “Markaas ka bacdi  waxa aanu u galnay arimaha dalkeena hadda ka taagan ee doorashadu u horeeyso, waxaana Madaxweynaha ku booriyey madaama wakhtigiisi dhammaaday nin weyna uu yahay, inuu Dhaxal ka tago, oo aanu ogolaan in magaciisa la isticmaalo, oo dad leh dan gaar ahi ay isticmaalan, wakhtigaas la cayimay la ixtiraamo,  Fadhi wanaagsan ayaa noo dhacay Madaxweynaha, waxaanu Madaxweynuhu u eeg yahay mid aan ku deg degsanayn, dantiisu aanay ku jirin danta Qaranku aanay ku jirin, in la dhex galo arinta Komishanka, dadka Maanta arintan wada ayaa u baahan in la qanciyo, iyagana waxa aanu jecelnahay in aanu qancino beri (Maanta), Odayaasha Guurtida iyo Barlamaankaba, haddii uu doonayo in nin walba meeshiisa fadhiyo oo uu yidhihaahdo ka kicimaayo, Qaranimo jiri mayso, waxaana jecelahay in arintaasi si fiican noogu dhamaato, wixii khalad ah ee dhexyaalana aanu baabino oo joojino soona afjarno, Saddexda Xisbi ogolaadan oo walibaana Beesha Caalamku dirqi ku ogolatay, waxaana weeye in  Saddexda Xisbi iyo Dawladdu isku yimaadan, oo la isku qanciyo in arintaas meel looga dhaafa in aanay jirin, waxaana jecel nahay in aanu Beri (Maanta), Guurtida u warano”.

Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Taleex ayaa yidhi “Arinta Taleexna Ciidamadeena iyo Dawladeena aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa, in dadkaas walaaleen ah ee sida fiican ee ay ka yeeleen, Nabadii ay ku soo celiyeen iyo dhex dhexaadinta ay ka galeen, waxaana aad iyo aad u amaanayaa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ah Odayaashii ugu horeeyey ee gurmaday, waxaana ku talinayaa in arintan la galo oo la diro Odayaal iyo wax-garad oo Somaliland oo dhani ku dhan tahay, si loo soo afjaro arinta Labada Beelood, oo Deeganadaasna loo sameeya Maamul Xudun oo kale, Taleex oo kale, oo meel walba oo Maamul jirin Maamul loo sameeya, haddii kale Qabaa’ilka ayaa is dili kara Shadaadina wey ka soo bixi kartaa, markaas si aan loo baylihin waa in nidaam dawliya la geeyo, dadka reer Taleexna waxa aan ku boorinayaa in aan maanta loo baahnayn Dhiig Islaam oo daata, Somaliland wey horumartay, cid walba meesheedii wey dhisatay, dawladduna waxa ay tari karto ayey siisay, in sidii casri jahligii Magaalo lagu dhex dagaalamo ceeb weeye, waxaana leeyahay dadkiina ha ka hadhina Shacabka Somaliland ee horumarka hiigsanaya ha ka hadhina”.

Eng: Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Madaxda Somaliya iyo Siyaasadooda ku aadan Somaliland ayaa yidhi “Ragga Garoowe inoogu soo shiraya, Shirkii ka dhacay iyo wixii ay ku sheekaysteen waad aragteen, Raggaas toodii gabay ee doonaya inay teena ka taliyaan, Xasan Sheekh oo aynu ognahay in dhibaato badan uu dalka gaadhsiiyey ee Somali uu gaadhsiiyey ee aad mooda fidno loo soo diray Umadda, Taariikh xumo ayuu kaga tagayaa inta uu Garoowe soo fadhiistay waxa uu ku hadlaayey waad maqlayseen, waxaanu is leeyahay Cabdiwali iyo Axmed Madoowe ayaa ku dooran doona 2016, waxa ay doonaanba ha u saxeexeen, Somaliland wey taqaana oo uguma  horeeyso nin sidaas oo u hadla oo Adeerkii Cali Mahdi oo 1991-kii suuqiisa iska galay”.

Eng:Faysal Cali Waraabe mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko Siyaasada Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Wadamada Caalamka waxa uu yidhi “Mustawaha Somaliland hoos ayuu u dhacay, 2009-kii waxaanu ahayn dad Adduunka la macaamilayey, Afrika badan ayaanu haysanay, waxaynu haysanay ilaa iyo 34-xildhibaan oo Ingiriis ah, Safaraado ayaa inoo shaqayn jiray, Ninkii South Afrika iyo Ninkii Qaahir inoo shaqaynayey ee inoo keenay Weftigii mar qudha ayaa la ina jaray, Maantana waxa Safaraado ah oo dadaala  waxa aan arkay Ninkaas Ayaanle ee inoo jooga Adis Ababa, oo aad iyo aad u shaqeeya, meel kale oo aan is idhaahdo Safaarad ayaa ka shaqaysay oo garanaysa wixii loo doorbiday  ma jiro, Dambi weyn ayaa laga galay barnaamijkeenii Arrimaha Dibada, inkasta oo Waskiirkani uu dadaalayo, Kenya waa Jiniifada Afrika, waa meesha Somaliya waxeeda lagu karkariyo, cidina inoomay joogin, walaahi arintaasna weynu ku ceebaysanahay, laakiin Wasiirkani hadda uu dadaalaya, waxaana jecelahay inaynu laba kaclayno”.

Eng:Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey muddo kordhinta ayaa yidhi “Dadka doonaya muddo kordhinta waa dad dantooda ka hadlayaa, oo aan danta Umadda ka hadlayn, oo dadkii la doonayey inay meesha baneeyaan oo booskooda loo tartamo oo Guurtidii iyo Wakiiladii ah, ayaa wixii gacanta inoogu haya, waana qof la yidhi adigu isa soo gawrac,sidaas oo kale ayaa naga qabsatay Barlamaankii hore, waana jiidhnay, kuwana waa la jiidi kari waayey, oo waa niman dibada ka yimid oo way dus dus badan yihiin, waxa ay xeerinayaana ma jirto, laakiin haddii ay Shacabku baraarugsan yihiin walibana Dhalinyaradu baraarugsantahay, waxaan jecel ahay in laga adkaan doono, waxaana jecel ahay inaynu arintan soo afjarno, oo walibana murankeena arimaha guddaha aynu soo afjarno, inta aynu murmayno kuwaa bilaa micnaha ah ee  Garoowe ku shiray ee dhulkoodii gabay  ee inaga inoo soo hanqal taagaya ee leh anaga ayaa xukuna fursad ayey heli doonaan, waana inaynu inagu soo afjarnaa hadalkeena, Guurtida iyo Wakiiladana waxa aan leeyahay Shacabka ka xishooda, in Shacabka laga xishooda weeye, in la ixitraamo weeye, meel ay ku jirto in wakhtigu inoo dhamaado Hay’addaasi ha sii socda Adduunka ma jiro, Sharciga ay soo saaran sharci maaha, Shan Sanno ayaa la doortay, Shantiina wey ka dhamaatay, Guurtiduna waa 22-sanno, wax 22-sanno iska fadhiya oo walibana yidhaahda anaga ayaa isku kordhinayna Adduunka lama arag, waa la isku kordhiyaa waa la maqlaa laakiin waan isku kordhiyey waan is boqray waa waxyaabaha inagu soo kordhay, Salaadiinta dadka ayaa dalbada, laakiin Ninka afar kun haystaa haddii uu yidhaahdo Suldaan ayaan ahay waa waxyaabaha aynu Adduunka ku soo kordhinay ee yaq-yaqsiga ah”.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID  Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa Muxiyadiin Axmed Cali oo ka mid ah Masuuliyiinta XIsbiga UCID u magacaabay xil cusub oo ah Xidhiidhka Laamha Dibada ee Xisbiga UCID, sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyuhu oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika