Ereyadii Ugu Xiisaha Badnaa Ee Ay Ku Tiraabeen Ciyaartoyga Kubadda Cagta Adduunka Ee Brazil 2014 (3)

0
775

Picture4Brasilia (Geeska)- Qormadeennan maanta oo ah tii saddexaad oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay degel lagu faalleeyo ciyaaraha adduunka oo lagu magacaabo Sports Arabia ayaa waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah eereyada dhegaha dadka soo jiitay ee ka soo yeedhay ciyaartoyga kala duwan ee ka qayb galaya ciyaaraha weli gebo-gebadoodii ay ka socoto dalka Brazil:

6. Robin Van Persie: Kabtan xulka qaranka Netherlands iyo weerar yahanka kooxda Manchester United waxa uu u dhashay sannadkii 1983kii , waxa aanu ciyaaraha kubadda cagta ee heer xirfadeed ku soo dhex jiray tan iyo sannadkii 2004ta oo uu ku biiray kooxda Arsenal ee dalka Ingiriiska. Xirdadda aadka u sarraysa ee ciyaaryahankan reer Denmark ayaa keentay in dad badani ay ku tilmaamaan in uu hayo jidkii ciyaartoygii kubadda cagta Netherland caanka ku ahaa  ee Marco Van Basten, oo Siddeetamaadkii iyo horraantii Sagaashamaadkii caan ka ahaa naadiyada Ajax iyo A.C. Milan iyo weliba xulka Qaranka Nehterlands.

Robin Van Persie oo warbaahinta la hadlay kadib ciyaartii furitaanka ee xulka qarankiisu uu 5-1 kaga badiyey xulka Spain ee horyaalnimada difaacanayey ayaa yidhi, “Waxa ay ay ahayd ciyaar waalan. Waxa aanu dhalin karaynay 5 gool” markii uu Robin Van Persie intaas yidhi ee ay dad badani la yaabban yihiin waxa uu ka hadlayo, maadaama oo shanta uu sheegayba uu xulkiisu dhaliyey, ayaa is xasuustay markaasaa inta uu is-daba qabateeyey waxa uu yidhi, “Ooh, waa sax, waxa aanu dhalinay Shan gool..” arrintaas oo ay dad badani ku macneeyeen in sababteedu ahayd farxadda xad dhaafka ah ee guushani u ahayd ciyaaryahanka.

7. Sergio Romero: Waa gool-hayaha xulka qaranka Argentine iyo naadiga Serie A-ga Talyaaniga ka ciyaaraha ee Sampdorie. Waxa uu sumcad badan ku leeyahay awooddiisa iyo xirfaddiisa gool qabashada, waxa aanu si gaar ah u soo shaac baxay markii dhowaan xulka qaranka dalkiisa uu ka badbaadiyey laba ka mid ah rikoodhayaashii lagu kala baxay ciyaartii lagu kala bixi waayey ee Netherlands iyo Argentina. Sergio Romero oo uu jooggiisu yahay 1.92 mitir ayaa lagu tiriyaa ciyaaryahannada ugu dheer. Halka saaxiibkiisa isagu dhaliyaha ah ee ay isku xulka yihiin Lionel Messi isaga lagu tiriyo kuwa ugu gaagaaban ciyaaryahannada dunida caanka ka ah, maadaama oo uu dhererkiisu yahay 1.69 keliya, waxaana labadooda ka dhaxaysa kaftan iyo hoos ka tuur badan oo saaxiibtinimo. 21kii bishii Lixaad waxaa ciyaar loogu baxayey wareegga 16ka isaga hor yimid xulalka qaramada Iran iyo Argentina oo ciyaar adag isku waajahay, ciyaartaas oo Shagaashankii daqiiqadood ku dhammaysatay Eber-Eber ayaa daqiiqaddii 91naad ee waqtiga dheeraadka  ahaa ayaa weeraryahanka Kabtanka u ah kooxda Argentina Lionel Messi uu dhaliyey gool dhabarka ka jabiyey xulka Iran oo rajo badani ku jirtay, waxa aanay ciyaartii ku dhammaatay hal iyo eber ay Argentina ku badisay.  Haddaba ciyaarta kadib ayaa goolhayaha xulka Argentina iyo tababarihii xulka dalka Iran ay ereyo kala duwan oo in badan warbaahintu hadal-haysay ka yidhaahdeen goolkaas uu dhaliyey Lionel Messi. Goolhaye Sergio Mario oo farxad is hayn kari la’ ayaa yidhi, “Waxa aan Ilaahay ugu mahadnaqayaa in uu cullaankii ugu dambaystii ku guulaystay inuu faynuuska bakhtiiyo” laakiin tababarkaha xulka dalka Iran Carlos Queiroz oo isagu aad uga cadhaysnaa goolka Messi iyo tan ka sii daran oo ah waqtiga uu ka dhaliyey ayaa yidhi, “Messi waa uu noqon karaa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, laakiin waa haddii uu bani’aadam yahay” La soco…