Dadka Wax-Akhriska Ku Liitaa Waa Dadka Sidoo Kalana Ku Xun Ama Ay Ku Adag Tahay Xisaabtu

0
782

Picture3London (Geeska)- Cilmi baadhis ay samaysay jaamacadda London ayaa daahfurtay in awoodda uu qofku u leeyahay wax-akhrisku ay xidhiidh adag la leedahay awoodda uu u leeyahay xisaabta. Cilmi baadhistan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay majaladda Nature Communications oo natiijada daraasaddan faafisay ayaa tilmaamtay in dhibta dadka qaarkood ka cawdaan ee la xidhiidha culays iyo adayg badan oo wax-akhriska iyo dhibaatada kale ee dadka qaar ka haysata xisaabta iyo xallinta masooliyinkeedu ay sababtoodu ku timaaddo hidde-sideyaal isku mid ah.

Cilmi baadhayaasha daraasaddan sameeyey oo ahaa khubaro caalamiya ayaa xaqiijinaya in qiyaas ah kala badh hidde-sidayaasha saamaynta ku leh awoodda wax-akhris ee qofku ay sidoo kale saamayn ku leeyihiin awooddiisa dhinaca xisaabta. Taas oo macnaheedu noqonayo in qofka ku xun xisaabtu uu sidoo kalana ku xun yahay wax-akhriska.