Kenya Oo Muwaadiniinta Uga Digtay Inay Maraan Madaarka Heathrow Ee London

0
612

Nayrobi(Geeska/W.Wararka)-Dawladda Kenya ayaa muwaadiniinteeda ay diyaaraduhu ku sii hakiyaan madaarka Heathrow ee magaalada London uga digtay halis argagixiso oo ka dhacda madaarkaas caalamiga ah ee Ingiriiska.

Kenya waxa ay muwaadiniinteeda Taraansitka ku ah madaarkaas ee ku socota dalka Maraykanka ugu baaqday inay joojiyaan maritaanka madaarkaas kuna bedeshaan diyaaradahooda kuwo kale oo aan madaarkaas sii marayn. “Warbixino uu na siiyay Maraykanku ayaa sheegaya in Alqaaciida Yemen iyo Suuriya ay diyaariyeen bambooyin diyaaradaha soo ridi kara.” Sidaas waxa idhi Mr. Karanja Kibicho oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, waxaanu intaas raaciyay, “Iyadoo wararkaas laga duulayo waxaanu muwaadiniinta reer Kenya kula talinaynaa inaanay ku socdaalin madaarkaas Heathrow oo ay ka jirto cabsi ah inay weeraro ka dhici karaan.” Sarkaalkani wuxuu muwaadiniinta reer Kenya ugu baaqay inay raadsadaan jid kale oo ay maraan marka ay ku socdaan Maraykanka, maadaama oo aanay Kenya jirin diyaarad si toos ah uga baxda oo tagta dalka Maraykanka, wuxuuna u soo bandhigay inay sii maraan madaarkada Qatar, Abu Dhabi, Holland, iyo Addis Ababa.

Waa markii u horaysay ee ay dawladda Kenya muwaadiniinta uga digto safarada Ingiriiska, waxaana la dareemayaa in talaabadan Kenya ay jawaab u tahay dhambaalo tiro badan oo uu Ingiriisku soo saaro oo uu muwaadiniintiisa ugu baaqo inaanay u socdaalin Kenya, inta joogtaana ay deg deg uga baxdo, weeraro argagixiso oo laga cabsi qabo dartood, waxaanay dawladda Kenya u muuqata inay doorkan u jawaabayso dawladda Ingiriiska, oo dhawaan adkaysay amniga madaarada London, gaar ahaan Heathrow ka dib cabsi weerar argagixiso oo ay dareemeen.