Ereyadii Ugu Xiisaha Badnaa Ee Ay Ku Tiraabeen Ciyaartoyga Kubadda Cagta Adduunka Ee Brazil 2014 (2)

0
561

Picture8Brasilia (Geeska)- Qormadeennan maanta oo ah tii labaad oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay degel lagu faalleeyo ciyaaraha adduunka oo lagu magacaabo Sports Arabia ayaa waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah eereyada dhegaha dadka soo jiitay ee ka soo yeedhay ciyaartoyga kala duwan ee ka qayb galaya ciyaaraha weli gebo-gebadoodii ay ka socoto dalka Brazil:

3. Mario Balotelli: Waa ciyaartoy xirfadda kubadda cagta caan ku ah oo u dhashay dalka Talyaaniga. Ciyaaryahankan caanka ah oo dhashay sannadkii 1990kii waxa uu weerarka uga ciyaaraa naadiga A.C. Milan ee Serie A-ga iyo xulka Qaranka Talyaaniga.

Inta ay socdeen ciyaaraha kubadda cagta adduunka 2014 Brazil ayaa ciyaartii loogu soo gudbayey 16ka kooxood markii ay ciyaarta iskaga hor yimaaddeen xulalka Talyaaniga iyo Costa Rica, ayaa ay warbaahintu Mario Balotelli weydiisay dareenkiisa ku aaddan haddii ay guul ka gaadhaan ciyaartan, kadib waxa uu ku jawaabay, “Haddii aanu ka badinno Costa Rica, waxa aan anigu doonayaa in boqoradda Ingiriisku ay dhabanka iga dhunkato” Nasiib darro ciyaartaas Talyaanigu waa uu ku guul darraystay, oo xulka dalka Costa Rica ayaa kaga badiyey Hal iyo Eber, waxaa weliba xusid mudan in ciyaaryahan Mario Balotelli uu cunay fursad dahabi ah oo uu kooxdiisa gool ugu soo hoyn karayey.

4. Enner Valencia: Waa ciyaartoy u dhashay dalka Ecuador oo safka hore uga ciyaara kooxda Pachuca ee ka dhisan dalka Mexico iyo xulka qaranka dalkiisa. Goolkii ugu horreeyey ee uu Enner Valencia dhaliyey ayaa isaga oo aad u faraxsan uu cabbiray dareenkiisa, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “In ay tan oo kale i soo marto waxa aan ku riyoonayey tan iyo carruurnimadaydii markii aan iibin jiray caanaha si aan lacagtooda ugu soo iibsado kabo aan kubadda cagta ku ciyaaro” Sida hadalka Enner ka muuqata waxa uu ku soo koray nolol dhaqaale ahaan aad u dhib badan iyo duroofo adag oo xataa u suurtogelin waayey in uu helo lacag uu ku iibsado kabo uu ku ciyaaro kubadda cagta oo xiisaha uu u qabaa uu la bilowday tis-qaadkiisii.

Ciyaaryahan Enner Valencia oo magaciisu ka kooban yahay magaca aabihii iyo kan hooyadii oo la isku daray, ayaa sheegay in uu caano iibin jiray si faa’idada uga soo baxda uu ugu iibsado kabo iyo agab uu ku ciyaaro kubadda cagta.

5. Marouane Fellaini (Marwaan Fillaa-yiini) Waa ciyaar yahay u dhashay dalka Belgium oo asalkiisu ka soo jeedo dalka Carbeed ee Marooko oo aabihii Cabdilladiif oo qudhiisu ciyaartoy ahaa uu yaraan kaga haajiray. Ciyaartoyga kooxda Ingiriiska ee Manchester City iyo xulka qaranka Belgium waxa uu dhashay sannadkii 1987kii. Marwaan waxa uu caan ku yahay xeelado kala duwan oo uu kubadda cagta ku maamulo, waxa uu isku xidhaa weerarka, waa ciyaar sameeye, waxa aanu awoodaa in uu weerarka labaad noqdo, sidoo kale dhererkiisa 1.94 Mitirka ahi waxa uu u fududeeyey in uu kubadda cagta madaxa ku ciyaaro, taas oo uu caan ku yahay.

Intii aanu bilaaban koobka adduunka 2014 ee ciyaarihiisii gebo-gebada ahaa weli ka socdaan dalka Brazil ayaa uu ciyaaryahan Marwaan oo warbaahinta la hadlayey waxa uu wacad ku maray in uu t imaha iska xiiri doono, haddii xulka qarankiisa ee Belgium uu koobka adduunka qaado.  “Haddii Belgium ay ku guulaysato koobka adduunka ee kubadda cagta, timaha ayaa aan iska xiirayaa” ayaa uu yidhi Marwaan oo caan ku ah timo dhaadheer oo uu kor u feedho oo ah nooca qaabka loo yaqaanno Afro-ga. Nasiib darro xulka dalka Argentina ayaa Belgium ku reebtay wareegga 8aad, laakiin sida hadda la ogaaday Marwaan go’aankiisaa waa uu ku sii socday oo timihii waa uu iska xiiray, laakiin cidi ma’ hubto in uu hadda kadib sidaa ku hayn doono iyo in uu mar kale la bixi doono. La soco…