Carwada Ganacsi Ee Saacadadiin Oo La Furay Iyo Bushaarooyinka Maalmaha Ciidda

0
706

Picture1

Hargeysa(Geeska)-Munaasibad balaadhan oo lagu daahfurayey Cawro cusub oo ay soo bandhigeen ganacsatada Sacadadiin Super Market ayaa ka dhacday  habeen hore  xarunta Carwada ganacsiga oo ku taala wadada galbeedka ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen dadwayne aad u tira badan ayaa waxaa lagu soo bandhigay Allaabooyin aad u kala duwan oo isagu jira qaybaha dharka iyo kabaha ee raga iyo dumarka iyo sida oo kale qaybaha kala duwan ee  Allaabooyinka lagu qurxiyo guryaha sida fadhiyada,Cuntada iyo Allaabooyin kale oo aad u qurux badan.

Md:Cabdiraxmaan Axmed Ciise oo maamulka Sacadadiin Super Market ayaa  faah faahin ka bixiyey waxyaalaha ay ku soo bandhigeen carwadan cusub,waxaana uu sheegay in sanadkiiba ay mar bulshada Somaliland iyo maacaamiishoodaba ay u soo bandhigaan adeegyo ku cusub agabkii ay hore u hayn jireen,isaga oo xusayna in ay bulshada sanadkan ugu talagaleen qiimo dhimis aad u balaadhan oo ay ku sameeyeen Allaabooyinka ay ka gadayaan macaamiishooda maalmaha ramadaanta awgeed.

“Carwada waxaanu ku soo bandhignay dharkii iyo kabihii oo noocwalba leh kuwaasi oo ah Allaabooyin aad iyo aad u tayo fiican oo waliba noocooduna uu yahay kuwii ugu danbeeyey oo aanu ugu talagalnay macaamiishayada kala duwan,waxaa kale oo aanu ku soo bandhignay qaybihii kala duwanaa ee Agabka guryaha ee fadhiyadii,Cuntooyinkii,iyo Allaabooyinkii kale ee lagu qurxinayey guryaha sida Allaaboyinka la dhigo beerta guriga dhexdiisa oo ay ka mid yihiin daladihii oo dhawr nooc ah kuwaasi oo mid waliba uu gaarkiisa u wato kuraastiisii,daahyo,sida oo kale leexooyinkii caruurta iyo kuwa dadka waaweynba,miisiiskii shaaha,waxaa sida oo kale aanu ku soo bandhignay noocyadii Tv-yada sida Star iyo cable-kii oo dhamaantoodba aanu u diyaarinay bulshada Somaliland.Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Axmed Ciise

Cabdiraxmaan Axmed Ciise oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi uu raaciyey“waxaana aanu macaamiishayada aanu u samaynay qiima dhimis aad u balaadhan oo aanu ugu tala galnay maalmaha ramadaanta si aanu ula wadaagno macaamiishayada adeegyada cusub ee aanu u qabanayno,waxaana aanu ugu tala galnay qiima dhimis 20% iyo  30% oo aanu ku raali galinayno macaamiishayada.”

Ugu danbayntii waxaa uu Cabdiraxmaan uu sheegay in ay sida oo kale macaamiishooda ay u diyaariyeen shaqaale aad u tira badan ku waasi oo loo tababaray qaabka ay ugu adeegayaan macaamiishooda iyo si karti iyo hufnaan ah ay ugu adeegi doonaan waxaana uu yidhi:“waxaa sida oo kale aanu Macaamiishayada aanu u diyaarinay shaqaale aad u carbisan oo ku waasi oo si diiran u soo dhawayn doona macaamiishayada,uguna adeegi doonaan si hufnaan iyo karti ku dheehan tahay,waxaana aanu idin leenahay marwalba macaamiishayada soo dhawaada oo meheradu waa meheradiinii ee kaalay”

Isku soo wada duuboo Carwadan ayaa noqonaysa tii ugu hooraysay ee  nooceeda ah ee laga furo gayiga Somaliland,waxaana ay qayb ka tahay xarun hore oo ganacsi oo ay ganacsatada furatay ku leeyihiin badhtamaha suuqa Magaalada Hargeysa.