Dhaqannada Qosolka Iyo Yaabka Leh Ee Guurka Qowmiyadaha Kala Duwna Ee Ku Dhaqan Dunida

0
873

Hargeysa (Geeska)- Guurku waa dhaqan ay aadamuhu kaga duwan yihiin guud ahaanba noolaha kale oo ay u maraan isu immaanshiyaha labka iyo dheddigga si uu u dhaco sunnaha abuurka ah ee taranku. Waa caado dhammaan ummaduhu leeyihiin oo ay isku xalaashadaan laba jinsi ee ragga iyo dumarku isla markaana ay bulshada inteeda kale u sheegaan in ay qaateen go’aan ah in ay noqdaan qoys wadaaga nolol iyo ubadba, laakiin haddana habka guurka loo marayaa isku mid ma’aha oo bulsho kasta waxaa hagaya dhaqankeeda iyo diinta ay aaminsan tahay, waxaana  marar badan la arkaa in qaabka guur ee bulsho caado u ahi uu qosol iyo la yaab ku noqdo bulsho kale, qormadeennan maanta waxa aynu ku soo qaadanaynaa dhowr ka mid ah caadooyinka guur ee bulshooyinka dunida ku dhaqan lagu arkay ama ay maraan:

1. China: Caadooyinka iyo dhaqannada qosolka iyo yaabka leh ee ka dhex jira qaar ka mid ah qawmiyadaha ku dhaqan dalka China, waxa ugu badan ta guurka oo ay ka mid tahay; marka uu ninku doono in uu guursado waxa uu u qoyskiisa iyo odayaasha tolka dhow ah u sheegayaa inuu guur doon yahay, kadib odayaasha ayaa inta ay dusha ka sahamiyaan ragga ay u arkaan inay yihiin rag wanaagsan wax ay go'aaminayaan ninka ay la tahay inuu ugu fiican yahay inay la xididaan, kadib inta ay u tagaan ninkaas ayey weydiistaan in inantiisa ay u doonayaan inankooda. Marka uu odaygu aqbalo in inantiisa uu ku daro inankan, iyada oo aanay inantu weli arag ninka, ninka qudhiisuna aanu arag, ayaa qoyskii inantu inta ay aad u qurxiyaan inanta ayey ku xidhaan qafis afarta koonaba ka xidhan oo albaab leh, inanta oo qafiskan ku xidhan ayey ehelkeedu u qaadayaan magaalada dibaddeeda oo ay ku sugayaan ninkii guursan lahaa iyo qoyskiisu.

Inantii oo qafiska ku xidhan inta la soo rogo ayaa ninkii inanta loo guurinayey loo dhiibayaa furaha. Ninku inta uu soo dhaqaaqo ayuu furayaa qafiska iskana eegayaa inanta, haddii ay la noqoto halkaa ayuu ku gudoomayaa uguna kaxaysanayaa gurigiisa haddii uu ku qanci waayana inta uu dib u xidho qafiska ayuu iska dhaqaaqayaa, si ay qoyskeedu u fahmaan inuu nacay dibna ay ugu qaataan inantooda.

Qawmiyadda Tibit ee China: Marka uu ninku doorto gabadha u noqonaysa xaaska ayaa qaar ka mid ah qaraabada gabadhu inta ay gabadha fuushiiyaan geed aad u dheer ay hoos istaagaan iyaga oo dhammaantood sita dhengedo (Ulo). Haddii uu ninkani gabadhan doonayo, waxa lagu qasbaa in uu gabadhan geedka dushiisa ku gaadho, marka uu isku dayo in uu geedka fuulana ulaha ay sitaan ayey meel kasta kala dhacaan si ay ugu diidaan in uu fuulo geedka, lamina ogola in uu is difaaco ama dumarka dhengadaynaya la dagaalamo, laakiin haddii uu adkaysto geedkana fuulo waa in iyada oo ay ushii ku socoto weli uu gacanta soo qabsadaa iyaduna inta ay soo raacdo ay la soo degtaa, laakiin usha lagama daayo ee iyada oo weli lala dhacayo ayuu kala dhex fakanayaa qoyska inanta ee hareeraha kala taagan dhengedda ay u nacayaan, kama hadhayaan ee illaa uu ka fogaadana wey ku wadayaan. Ninku haddii uu intaa ku guulaysto ayuun baa loo ogol yahay in uu guursado inanta, haddii uu cabaado, ama u adkaysan waayana inantaasi ka dheer. La Soco…