Erayada Aad Ku Hadlaysaa Waa Furaha Aad Ku Kasban Karto Quluubta Dadka (Q.1aad)

0
673

Diinta Islaamku waxa ay dhiirrigelisay hadalka wanaagsan, iyada oo uu Nebi Muxamed (SCW) inoo sheegay in “Ereyga wanaagsani yahay sadaqad”. Culimada cilmiga bulshaduna waxa ay ogaadeen in erey kasta oo qof aad ku tidhaahdaa uu ku yeelanayo raad nafsadeed oo togan ama taban, hadba midka uu yahay. Waxa kale oo uu cilmiga bulshadu ogaaday in qofka hadalkiisu uu ka turjumo shakhsiyaddiisa, iyo in qaab hadalkeenu uu kaalin weyn ku leeyahay guulaha aynu gaadhayno.

Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda caanka ah ee Harvard ayaa daahfurtay in “Ereyada togan ee uu qofku jeediyaa ay maskaxda qofka uu la hadlayo ku dhiirrigelin karaan in ay soo saarto maaddo kiimikaad oo lagu magacaabo ‘Oxytocin’ taas oo xoojisa xasiloonida nafsiga ah ee qofka, maskaxdana ku abuurta dareen-celin kalgacal oo ka badan intii hore”.

Waxaa jira ereyo ku celcelinta adeegsigoodu ay saamayn togan ku yeelato dareenka qofka, taas oo sida lagu sheegay warbixin ay shabakadda Aljazeera faafisay, uu adeegsigoodu yahay hubka ugu fiican ee dareenka dadka lagu kasban karo.

Michael Thompson oo ah xeeldheere dhinaca xidhiidhka ah oo u dhashay dalka Isbayn ayaa soo koobay ereyada ugu muhiimsan ee ay dadku jecel yihiin in ay maqlaan. Waxa se muhiim ah in la ogaado in ereyada qalbiga qofka taabanayaa ay yihiin kuwa marka horeba niyadsamaan iyo qalbi wanaag qofka kaga yimi balse aanay ahayn kuwo si ku talagal ah loogu yidhi keliya si dadka loo kasbado.

  1. Adigaaban niyadda kugu hayey:

Waa arrin iska caadi ah in xasuusta qofku ay marar kala duwan maskaxdeenna ku soo dhacdo, iyada oo laga yaabo in waxa aynu ku xasuusanaynaa ay kala duwan yihiin. laakiin sida caadiga ah qofka uma sheegno in aynu xasuusannay. Haddaba culimada cilmiga bulshadu waxa ay ku talinayaan in xasuustan aynu u sheegno qof kasta oo aynu doonayno in uu xidhiidhkeennu sii xoogeysto. Waxaa dhacaysa in qofka oo laga yaabo in ay dhibaato haysatay ama arrin xallintoodu mashquul ku haysay, marka uu kaa helo farriinta ah “Waan ku salaamayaa, waxa aanan kuu rajaynayaa in aad fiican tahay. Hadda ayuun baad xasuustayda ku soo dhacday, kaddib waxa aan doonay in aan ku salaamo” ay taasi xoojinayso kalgacalka uu qofku kuu hayo iyo kaalinta aad ku leedahay qalbigiisa ama saaxiibtinimadiina ay ka dhigto mid muddo dheer sii waarta. Sidaas awgeed haddii aad ka fikirto ama xasuusato qof; saaxiib, walaal ama qof xidhiidh kale idinka dhexeeyo, waxaa muhiim ah in aad la xidhiidho weliba u sheegto xusuustaada. Haddiiba ay dhacdo in uu qof kula soo xidhiidho isaga oo kuu sheegaya in uu ku xasusutayna ha illaawin in aad u sheegto in aad ku faraxsan tahay xidhiidhkiisa, ama u sheegto in aad qudhaadu xasuusnayd, waa haddii aad xasuusatay oo aanad hore ugu sheegin ee.

  1. Arrintaas sideed u aragtaa … Waayoaragnimo ma u leedahay?!

Marka aad qof arrin kala hadlayso, haddii aad dareento in qofkaasi uu arrinkaas xiisaynayo ama muhiim u arko, ka codso in uu aragtidisia isla arrinkaas ku aaddan kuu sheego. Dabeecad ahaan dadka oo dhami waxa ay jecel yihiin in fikirkooda la dhegeysto iyo in ay talo ku yeeshaan hadba hawlaha socda. Haddaba haddii aad qof uga warranto arrin iyo qorshe aad leedahay, iska ilaali in hadalka aad dhinacaaga uun ka waddo. Waxa aad ku dadaashaa in aad isagana weydiiso aragtidiisa qorshahaas ku aaddan iyo bal in uu waayoaragnimo u leeyahay. “Waxa aan xiisaynayaa in aan taladaada iyo fikirkaaga arrintan ku aaddan ogaado. Wax waayoaragnimo ah arrintan ma u leedahay”

Waxa kale oo ay dadku dabeecad ahaan jecel yihiin in ay ka sheekeeyaan casharrada ay ka bartaan waayoaragnimada soo marta, iyo in ay dareemaan in aragtidooda la qaddarinayo ama talo la weydiinayo. Waa hab aad u heersarreeya oo ay dadku dareen wanaagsan kaaga qaadan karaan, kuna sii xoojin karto kasbashada maankooda. Saaxiibtinimadu waa ay waartaa mar kasta oo aad qofka saaxiibkaa ah fursad u siiso in uu kaaga warramo waxa maankiisa ku jira, ama aaminsan yahay iyo in uu waayoaragnimadiisa kula wadaago.