Sheekh Aadan-siira Oo Ka Hadlay Dawladaha Ku Dul Hirdamaya Somaliland, Kuna Taliyey In Laga Faa’ideeyo Fursadda Ku Jirta

0
519

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-siira) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland ayaa ka hadlay Marxaladda dalku marayo xilligan, siyaasadda Arrimaha dibedda iyo Doorashooyinka soo foolka leh.

Sheekha oo Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Ahmiyadda Islaamku siiyey ‘Wada-tashiga’ ayaa soo hadal-qaaday Hirdanka Somaliland gudaheeda ku dhex maraya Dawladaha Shiinaha iyo Taiwan, Itoobiya iyo Masar, waxaanu ku taliyey in Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu ay furdaaminta arrimahaasi iyo sidii looga gudbi lahaa Marxaladdan ay kala tashadaan Dadka u aqoonta leh.

Sheekha oo Daliishanaya Aayaadka Qur’aanka kariimka ee dhiiri-gelinaya Wada-tashiga iyo Siirada Nebiga ee ka warantay siduu Nebigu ula tashan jiray Saxaabadiisa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Nidaamka xukunka ee Islaamku leeyahay Tiirarkiisa ugu waaweyn waxa ka mid ah Wada-tashiga, marka baahidu jirtana waa daruuri in Wada-tashiga la badiyo.”

Sheekhu wuxuu sheegay in aanay Islaamka meelna uga banaanayn Qofka Talada isku kooba  “Nin siyaasi ah oo yidhaahda Aniga ayay wax walba iga bilaabmaan, wax walbana aniga ayay igu dhamaadaan, Magaca uu doono ha yeesho ee Islaamka kuma jiro, Waayo? Wada-tashigu Islaamka dhexdiisa waa Mabda’ Aasaasi ah, weliba marka baahi jirto ee arrimuhu murugsan yihiin Qofku waa inuu Talada badsado.”

Sheekh Aadan-siira oo khudbaddiisa sii wada ayaa sheegay “Waxaan Khudbaddan u soo qaatay, Somaliland Maanta waxay taagan tahay Afar Waddo oo iskala jaraya oo mid walba intaas oo Haad soo galayaan, wax kala hagana aan lahayn, markaa waxay u baahan tahay Caqli iyo xikmad iyo wada-tashi in lagaga gudbo, marka la eego danaha Masar, marka la eego Danaha Itoobiya, marka la eego Danaha Shiinaha, marka la eego danaha Taiwan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “China ayaa halkan soo fadhiya, Taiwan ayaa soo hor-fadhida, Itoobiya ayaa halkan soo fadhida, Masar ayaa soo hor-fadhida, Fursaddaa Somaliland weli may helin (Imika ka hor). Intaas oo Aqoonyahan oo Jaamacado Dibedda ah wax ka dhigayey ayaynu leenahay oo Gaalo xiijiyey. Maxaa dhib inoo keenaya, Dalka, Dadka iyo Diinta, maxaan dhib inoo keenayn, marxaladdan maxaynu kaga gudbaynaa, Xukuumadda waxaanu leenahay Waar Dadkaaga Aqoonta la tasho, marxaladda aynu marayno Somaliland fursado badan baa ugu jiraan oo ay wax ku gaadhayso, haddii kalena jab baa ugu jira, Dadkii kala saari lahaa ee tuujin lahaa ee ka fikiri lahaa Qof kastana Sharkiisa inaga moosi lahaa, khayrkiisana qaadan lahaa la tasho. Waxaan uga jeedaa Qofku marka uu Ummad u talinayo waa inuu Dadkiisa la tashadaa, si aanay u keenin in Wakhtigaa ay Dadku leexdaan.”

Sheekha oo ka hadlaya Arrimaha ka taagan Mandaqadda Geeska Afrika wuxuu sheegay “Xukuumadda waxaanu leenahay Waar Dadkaaga la tasho, Waar arrintan innagu soo korodhay ee Geeska ee u baahan in la shiilo, waar Dadkii aqoonta u lahaa kala tasho oo keligaa Go’aan ha iska qaadanin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay Doorashada “Waddooyin is kala jaraya ayay Somaliland taagan tahay marka la eego doorashooyinka oo u baahan talo, is-qancin iyo in Dadka la isku ururiyo. Arrinta doorashada, annagu doorashada waanu taageersanahay in la qabto, maxaanu u taageersanahay, waxaanu leenahay yaan la is-dilin ee Sanaaduuqdaa ha lagu tartamo, laakiin Doorashada waxa ka horreeya in Dadka la qanciyo, nimankii hore ee meeshan joogay Dadka ayay isku ururin jireen. Madaxweynaha waxaanu kula talinaynaa Dadka u dhibri, Dadka hala qanciyo, Dad u xul Dadkeenan cabanaya, si Dawladnimadeenu u adkaato.”

Ugu dambayn, wuxuu Shacabka reer Somaliland u soo jeediyey inay Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada u soo xulaan Dad Amaano leh.