Aadamuhu Noloshiisa Waxa Uu Ku Hayaa Khatar Ka Badan Ta Ay Ku Hayaan Cudurrada Iyo Masiibooyinka Dabiiciga Ahi

0
545

Sida ku cad hadallada laga soo weriyey Nebigeennii Muxamed (SCW) umadda Nebiga oo ah dadka hadda adduunka ku nool dhammaantii diin kasta oo ay haystaan, dhammaadka adduunka iyaga ayaa gacantooda isku wada xarayn doona. Arrintaas ayaa aad mooddaa in mar kasta cilmiga iyo saynisyahannadu soo dhowaanshiyaheeda ka marag kacayaan.

Toby Ord waa cilmibaadhe u dhashay dalka Ustareeliya oo ka tirsan Maxadka Mustaqbalka Aadamaha (The Future of Humanity Institute) oo ka tirsan jaamacadda faca weyn ee Oxford ee dalka Ingiriiska. Sida oo kalana waa bare sare oo cilmiga falsafadda dhiga iyo lataliye ka tirsan hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo bangiga adduunka oo qaramada midoobey raacsan. Ord oo ka mid ah xeeldheereyaasha tirada yar ee ka shaqeeya qiimaynta khataraha ku xeeran jiritaanka aadamaha ayaa mar uu dhowaan waraysi siiyey wargeyska El Confidencial ee ka soo baxa dalka Isbayn waxa uu ku sheegay in aadamuhu uu yahay khatarta ugu weyn ee noloshiisa soo afmeeraysa.

Waxa uu sheegay in inkasta oo ay fayrasyadu dad aad u tiro badan dilaan, tusaale ahaanna Fayrasyadii caanka ahaa ee ‘Geerida Madow’ ama daacuunka loo yaqaannay oo qaaradda Yurub ka dillaacay 1347 illaa 1352 kii ay dileen boqolkiiba 25 illaa 50 dadkii qaaradda ka hor intii aan laga guulaysan. Haddana in xisaabo uu sameeyey ay muujinayaan suurtagalnimada in khatarta burburka ay sababaha dabiiciga ahi ku keeni karaan xadaaradaha adduunku ay aad u yartahay, marka la barbar dhigo khatarta kaga imanaysa aadamaha laftigiisa.  Waxa uu sheegay cabsida laga qabo in nolosha aadamaha ay soo afmeeraan sababo dabiici ah, tusaale ahaan qarax Folkaano aad u weyn oo adduunyada rogaa, in ay aad u yartahay marka la barbar dhigo cabsida laga qabo in nolosha aadamaha ee adduunka ay soo afmeerto sabab ka imanaysa aadamaha gacantiisa, tusaale ahaan dagaal Nukliyeer oo dhaca, ama burbur dabiici ah oo ka dhasha xaaladda isbeddelka cimilada oo dabcan uu aadamuhu sababteeda leeyahay.

Waxa kale oo iyaduna khatar nolosha aadamaha ku ah in uu dillaaco xanuun sababtiisu tahay mid loo badheedhay iyo adeegsiga teknoolajiyadda garaadka san oo xakamaynteedu ugu dambaynta ka bixi karto gacanta aadamaha. Fayrashada ay aadamuhu sameeyaan ama sida badheedhka ah u faafiyaan ayaa iyaguna khatar kale ku ah nolosha adduunka.

Toby Ord waxa kale oo uu hoosta ka xariiqayaa in kooxaha argagxisada loogu yeedho oo hela sirta samayska iyo adeegsiga Fayrasyadu ay noqon karaan khatar kale oo jiritaanka adduunka soo gaabisa.

Toby Ord waxa uu sheegay in garaadka teknoolajiyadeed ee aadame la moodka ahi (Artificial intelligence) uu khatar cudurrada ka badan ku yahay nolosha aadamaha, iyada oo 50 ka sano ee soo socdana khatartaasi sii kordhi doonto, aadamuhuna aanu weli ku baraarugsanayn in uu maalgashado waxyaabaha lagaga hortegi karo khatartahaas Tiknoolajiyada garaadka-san.

Ord waxa uu aadamaha ku canaantay in kharashka ay sannad kasta geliyaan Iskiriinku (Jallaatadu) uu aad uga badan yahay kharashka ay u huraan qorsheyaasha ka hortagga tinoolajiyadaha cusub ee nolosha aadamaha khatarta ku ah. Waxa aanu intaas ku daray in Tinkoolajiyadda garaadka-sani ay la mid tahay nukliyeerka oo si waxtar u leh nolosha iyo si khatar ku ahba loo isticmaali karo. Laakiin ay dhibaatadu tahay in aanu weli aadamuhu ku baraarugin khatartiisa. Waxa aanu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in ay nasiibwanaag tahay in aanu adduunka weli ka dhicin dagaal buuxa oo loo adeegsaday nukliyeer ama hubka teknoolajiyadeed ee khatarta ah, laakiin waxa uu ka digay in la is dhigto, isaga oo sheegay in doobirtaasi ay maalin uun iska dhammaan doonto.