Dumarku Ragga Waxa Ay Kaga Fiican Yihiin Xidhiidhada Bulshada, Iyo Dareemista Shucuurta Qofka Kale

0
1492

London (Geeska)- Mid ka mid ah cilmibaadhisaha ugu ballaadhan ee dunida soo mara oo natiijadeedu dhowaan soo baxday ayaa lagu ogaaday in ragga iyo dumarka uu mid kastaa u fikiro si ka duwan kan kale. Daraasaddan oo lagu eegayey kala duwanaanshiyaha jinsi ee maskaxda aadamaya ayaa daahfurtay in ragga ay ku yar tahay dareemista shucuurta qofka kale, iyo in ay jecel yihiin in ay ka fikiraan hawlqabashada, halka dareenka maskaxeed ee dumarku uu inta badan muhiimad weyn siiyo arrimaha dadka iyo qiimaynta shucuurta aadamaha.

Daraasaddu waxa kale oo ay muujisay in xanuunka dadka faquuqa ee Autism ka loo yaqaannaa uu ragga kaga badan yahay dumarka, sababta ugu weynina ay tahay dareenka maskaxeed ee ninka oo marka horeba ay ku yar tahay in uu akhristo shucuurta dadka kale iyo in uu muhiimad siiyo, xaaladdaas oo sii weynaatayna ay isu beddesho xanuunka Autism ka.

Xidhiidhka bulshada

Marka la is barbardhigo ragga iyo haweenka, waxa ay daraasaddani sheegaysaa in ragga ay ku adagyihiin go’aamada arrimaha bulshada iyo in waayo-aragnimadooda dhinacaasi ay mar kasta ka hoosayso dumarka. In raggu ay ku xun yihiin xidhiidhka bulshada waxaa marag u ah in ay marar badan ku dhacdo in ay cid xumeeyaan ama ka fogaadaan iayga oo aan sababayn karayn waxa ku kallifaya.

Cilmibaadhista oo ay samaysay jaamacadda Cambridge ee dalka Ingiriiska ayaa ay cilmibaadhayaashu ku ogaadeen in maskaxda raggu ay inta badan la falgeli ogtahay arrimaha la xidhiidha sayniska, tiknoolajiyadda, injineeriyadda iyo xisaabaadka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here