Khatarta Biyo La’aanta Jidhka Ee Ka Iman Karta Soonka Xilliga Kullaylaha Iyo Hababka Looga Hortegi Karo

0
901

Hargeysa (Geeska)- Waxa aynu bilownay bishii soon ee xurmada badnayd, oo sida sannadahanba dhacaysay ku soo beegantay waqti dhulku aad u kulul yahay. Soonku guud ahaantii, gaar ahaan marka uu waqtiyadan oo kale ku beegmo waxa uu sababaa in dareeruhu uu jidhka ka dhammaado. Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Alcarabiya waxa ay soo gudbinaysaa qodobbo qofka ka caawin kara in uu ka dheeraado ingaggaas/qallaylka jidhka.

Waa maxay ingaggu?

Ingagga waxaa looga jeedaa in uu hoos u dhaco heerka dareeraha jidhka ku jiraa, kaas oo caadi ahaan loogu talagalay in uu boqolkiiba 70 ka noqdo jidhka, laakiin dhididka, qashin qubka, iyo cabbitaan la’aanta xilliga soonku ay hoos uga dhigaan heerkaas.

Calaamadaha lagu garan karo in jidhka ingag ka jiro

Marka uu ingagga uu jidhku dareemayaa yar yahay, waxa uu qofku isku arkaa calaamad ay ka mid tahay dibnaha oo ingaga, hurdo badan, wahsi iyo firfircoonida oo ku yaraata, harraad, kaadida oo yaraata, madax xanuun, iyo maqaarka oo qallayl badan laga dareemo.

Laakiin haddii ay biyo la’aanta jidhku sii badato waxa si kordha xaaladaha ka dhalanaya iyo calaamadaha uu qofku ku fahmi karayo in uu hoos u dhacay heerka biyaha jidhkoodu. Waxaa ka mid ah dhidid, kaadi la’aan, dhiigga oo hoos u dhaca, neefsiga iyo garaaca wadnaha oo inta caadiga ah ka dheereeya iyo mararka qaarkood in uu qofku miyir beelo.

Hababka looga hortegi karo

Biyaha jidhka oo inta dabiiciga ah hoos uga dhacaa waa nooc caafimaad darro ama xanuun, sida caadiga ahna cudurka in laga hortago ayaa ka fiican in la daweeyo. Haddaba habka ugu fiican ee aynu xilliga Ramadaanta uga hortegi karno in biyaha jidhkeennu ay hoos uga dhacaan inta dabiiciga ah waxaa ka mid ah:

  1. Qorraxda: Intii suurtagal ah in aynu ka fogaanno in qorraxdu si toos ah jidhkeenna ugu dhacdo, iyo in aynu ku dadaalno in Meesha aynu joogayno cimiladeedu dhexdhexaad noqoto, ama ugu yarana hadh fiican oo laydh heli kara ay tahay.

Haddii ay qasab tahay in qorraxdu innagu dhacdo ama meel qorrax ah aynu joogno, waxaa muhiim ah in aynu xidhanno koofiyad, iyo in shaqada aynu qabanayno aynaan aad isugu badani

  1. Cabbitaanka afurka kaddib: Waa muhiim in afurka kaddib uu jidhku cabbitaan aad u badan helo, biyo aad u badan oo aynu cabnaa waxa ay kor u qaadayaan heerka biyaja jidhka waxa aanay innaga caawinaynaa in maalinta xigta aanu ingag ku dhicin jidhka.

Xilliga soonkii waxaa muhiim ah in intii suurtagal ah laga dheeraado cabbitaannada, ay ka mid yihiin bunka, koolaha, Shaaha badan iyo guud ahaan cabbitaannada ay maadadda Caffeine tu ku jirto. Waxa kale oo muhiim ah in aynu ka dheeraanno sonkorta, cabbitaannadan dhammaantood waxa ay yareeyaan heerka biyaha jidhka.

  1. Biyo keliya cabbitaan ha ka dhigan: Waa run in biyuhu ay kaalin aasaasiya ka qaataan in aanu lumin isu dheelltirnaanta dareejaha jidhku. Laakiin ha illaawin in cabbitaannada sharaabka aynu u naqaannaa ay muhiim yihiin. Marka ay yihiin cabbitaannada dabiiciga ah, iyo khudradaha dareeruhu ku badan yahay. waxa kale oo iyaguna muhiim ah in jidhku uu helo faytamiinno, cusbo, macdanno iyo curiyeyaasha muhiimka u ah isu dheellitirka biyaha jidhka. Liinta dhanaan iyo liin macaantuna waxa ay ka mid yihiin khudradaha arrintaas kaalinta weyn ka qaata.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here