Shirkad Qiratay In Masuuliyiintoodu Ay Si Qarsoodi Ah U Dhegeystaan Shaqaalaha

0
568

Washington (Geeska)- Kumannaan dad ah ayaa u shaqeeya shirkadda Amazon oo laamo, wakiillo iyo xarumo kala duwan ku leh dunida daafaheeda. Warbixin ay dhowaan faafisay warbaahinta Bloomberg ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in qalabka Echo ee ay shirkaddu shaqaalaheeda u dhiibtaa uu awood u leeyahay in uu duubo hadallada shaqaalaha shirkadda ee sitaa marka ay xafiisyadooda ama guryahooda iska joogaan. Kaddibna ay codadkaas dib u dhegeystaan qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkaddu, halka marka hore uu nidaamku ka ahaa in sideedaba codadka mishiinkan ku jira uu dhegeysto kombiyuutar kala baxa inta shaqada la xidhiidha, si loo ilaaliyo sirta qofka.

Masuul u hadlay shirkadda ayaa sheegay in arrintan ay u sameeyaan keliya si ay u fahmaan meelaha ay tahay in qofka laga caawiyo marka laga hadlayo dhinaca isticmaalka qalabkan.

Amazon oo si aad ah loogu dhaliilay tallaabadan ay kaga baydheen habkii la isku ogaa ee ahaa in nidaamka kombiyuutarka oo keliya codadkan lagu kala saaro, ayaa isku difaacday in ay sidan u yeesho keliya si ay u sii wanaajiyaan shaqada qalabkan iyo fahamka ay shaqaaluhu ka haystaan isticmaalka qalabka. Masuuliyiinta Amazon waxa ay ku doodeen in ay xil dheeraad ah iska saaraan ilaalinta xogta gaarka ah ee shaqaalaha ay dhegeystaan iyo in aan loo isticmaali dano gaar ah. Laakiin taasi jawaab uma ay noqon dhaliisha loo jeedinayo, maadaama oo aanay marka hore sidaas qofka ugu caddaynin, kuna wargelin in codadkan uu bani’aadam dhegeysanayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here