Dumarka Oo La Ogaaday In Ay Ka Warhayaan Ragga Da’da Weyn Iyo Kuwa Ladnaantu Ka Muuqato, Sababta

0
961

dddddWashington (Geeska)-Sannadkii 1969kii ayaa Glen Elder oo ah khabiir ku xeeldheer cilmiga bulshada oo ka tirsanaa jaamacadda North Carolina cilmibaadhis uu sameeyey waxa uu ku ogaaday in quruxda iyo dhaqaaluhu ay aalaaba is helaan, tusaale ahaanna dumarka quruxda badani ay u badan yihiin in ay ku xasilaan ama si gaar ah u soo jiitaanragga aan muuqaal ahaan jinniyadaha (Soo-jiidashada) lahayn laakiin maal-qabeenka ah.

In kasta oo bilowgii soo bixitaanka daraasaddan ay dad badani si aad ah uga biyo diideen haddana, muddadaa ka dambaysay  waxa ay noqotay mawduuc la wada yaqaanno oo ka tirsan cilmiga bulshada.

Dhowaantan, oo ahayd sannadkii 2010kiina cilmibaadhis la sameeyey ayaa daahfurtay in sawirada ragga la soo qaaday iyaga oo wata baabuurta raaxda ee qaaliga ahi ay dumarka ka soo jiidasho badnaayeen sawirrada ragga wata baabuurta qaddiimiga ah. cilmibaadhis kale oo la sameeyey sannadkii 2014kuna waxa ay ogaatay in ragga sawirrada laga soo qaado iyaga oo deggen guryaha qaaliga ah ee raaxadu, ay ka soo jiidasho badnaayeen ragga la midka ah ee guryaha caadiga ah ku jira.

Cilmibaadhayaasha oo si gaar ah u sii baadhay sababta keenaysa in lacagtu ay saamayn ku yeelato soo jiidashada dumarkuna waxa ay sheegeen in gabadhu ay mar kasta doonayso ama si gaar ah u xiisaynayso in ay hesho say dhaqaale ahaan wax ku soo biirin kara.

Da’da:

Daraasad sannadkii 2010 ka baadhis xeeldheer ku samaysay 3’770 oo ruux ayaa daahfurtay in dumarku marka ay haasaawe iyo nolol wadaagis rag tahay ay si gaar ah u door bidaan ragga da’ahaan ka weyn, sababta ay dadkii tirjaabada lagu sameeyey qireenna waxaa ugu muhiimsan in dumarku ay aaminsan yihiin in ninka da’daas ahi uu inta badan iska madax bannaan yahay dhaqaale ahaan. “Waxa aanu aaminsannahay in da’du ay si dadban u muujiso madaxbannaani dhaqaale, sidaa awgeed ay gabadha ku beerto kalsooni badan oo ay ninka u qaaddo, una soo jeediso dhinaca awoodda” sidaa waxaa yidhi  Fhionna Moore oo ah qoraa weyn oo ka tirsan jaamacadda cilminafsiga ee Dundee.

Dhinaca kalana khubarada cilminafsigu waxa ay aaminsan yihiin in gabadha yar iyo ninka weyni ay inta badan noqdaan lammaane fursado u hela dhinaca taranka, sababo la xidhiidha bacariminta hooyada awgeed.