Xubin Sare Oo Ururka Xisbullah Ka Tirsanaan Jiray Ayaa Imikana Ah Sarkaal Ka Mid Ah Ciidamada Israa’iil

0
697

dddddBeirut (Geeska)- Wariyaha arrimaha carabta ee talefishanka Kanaalka Labaad ee Israa’iil ayaa ka warramay qiso nooceedu ku cusub yahay dhegaha dadka dunida oo ka warramaysa masuul hore uga tirsanaan jiray ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan oo colaad adagi ka dhaxayso Yuhuudda, balse hadda ka mid ah saraakiisha ciidamada Israa’iil, gaar ahaan ciidamada xulka ah.

Wariyuhu waxa uu sheegay in askarigan Israa’iiliga imika ah oo lagu magacaabo Abrahaam Caamuus Siiniyeh, uu hore magaciisu u ahaan jiray Ibraahiim Yaasiin, muddo dheerna ka tirsanaa ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan, balse mar dambe basaas u noqday Yuhuudda, muddo kadibna uu kaba baxay diinta Islaamka oo uu qaatay caqiidada Yuhuudda, weliba uu hadda ka mid yahay dadka sida aadka ah ugu dheggen ku dhaqanka diinta Yuhuudda.

Ibraahiim waxa uu ka tirsanaan jiray ciidamada guutada lagu magacaabo 504 ee Xisbullaah, kana mid ahaa ragga ugu muhiimsan ka hor intii aanu u baydhin dhinaca basaasnimada.

War-fidiyeenka Israa’iiliga ah oo sheekada ninkan Xisbullaah ahaan jiray ka warramaya ayaa yidhi, “Haddii qisadan qaab sheeko ama filim loo qori lahaa waxa ay noqon lahayd sheeko ay dad badani rumaysan kari waayaan, waayo jilaaga qusada oo ah Ibraahiim Yaasiin waxa uu ku dhashay tuule ay Yuhuudda Lunaan degto, waxa aanu la soo noolaa halaaggii iyo dhibtii dagaalladii sokeeye ee dalka Lubnaan la degey sannadihii Toddobaatanaadkii iyo Siddeetamaadkii ee Qarnigii tegey. Sida uu sheegay waxa uu xilliyadaa dagaalka ciqaab iyo dhibaato aad u badan kala kulmay ciidamada Suuriya, iyo ururradii hubaysnaa ee Falastiiniyiinta oo uu sheegay in ay isaga iyo qoyskiisba marar kala duwan ciqaab u geysteen.

Bilowgii basaasnimada:

Markii ciidamada Yuhuuddu ay bilowgii Siddeetamaadkii xoogga ku galeen dalka Lubnaan ayaa ahayd markii ugu horreysay ee uu Ibraahiim Yaasiin la kulmo Israa’iiliyiinta, qisada ugu horreysayna waxa ay soo kala martay isaga iyo ciidanka Yuhuudda markii maalin maalmaha ka mid ah ay xaaskiisu si aad ah ugu xanuunsatay fool, xilligaas oo aanay deegaannadan uu joogay ee Lubnaan lahayn cisbitaallo waxaa aad u caawiyey Israa’iiliyiinta oo xaaskiisii inta ay diyaarad ku qaadeen geeyey cisbitaal ku yaalla magaalada Xayfa ee dhulka Israa’iil ay Carabta ka qaadday ka mid ah.

Laga bilaabo waqtigaas Abrahaam waxa uu bilaabay in uu si qarsoodi ah basaas ugu noqdo Yuhuudda oo uu xogta siin jiray, xitaa mar waxaa basaasnimadan uga shakiyey Xisbullaah oo inta ay qabteen baadhis ku sameeyey aadna u ciqaabay, sida uu sheegayo saxafigan Yuhuudiga ah ee ka tirsan Kanaalka Labaad ee Israa’iil. Raggii berigaas sida adag u baadhayna waxaa ka mid ahaa sarkaalkii magaca dheeraa ee Cimaad Muqniyah oo beri aan fogeyn ay Israa’iil si qarsoodi ah ugu dishay magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya.

Laakiin sida uu Ibraahiim kii hore oo hadda Abrahaam ahi ugu warramay wariyahan Xisbullaah aakhirkii waa ay iska sii daayeen, in kasta oo sida uu sheegay ay Xisbullaah ogaadeen in xaaskiisu ay joogto Israa’iil kadib inta ay si khiyaamo ah uga soo kaxeeyeen Israa’iil markii ay gacanta ku dhigeenna ay Ibraahiim hortiisa ku gubeen wiilkiisa umushiisii ay hooyadii Israa’iil la tagtay. Waxa uu sheegay in maalintaas uu go’aansaday in uu si buuxda uga aargoosto Xisbullaah, isaga oo go’aankiisaaka duulaya ayaanu ku biiray ciidamada Xisbullaah oo uu madaxdiisa kalsooni ka aburutay, waxa aanu bilaabay in uu xogta milateriga iyo ammaanka u gudbiyo sirdoonka Israa’iil. Waxa aan gaadhay heer ay sirdoonka Israa’iil ku tilmaami jireen in uu yahay basaas aad u muhiim ah.

Muddo toban sano ah oo uu Abrahaam si rasmi ah basaas ugu ahaa Yuhuudda balse ka tirsanaa ciidamada Xisbullaah waxa uu ku guulaystay in uu marar badan isaga gudbo labada dhan ee xuduudka Lubnaan iyo Israa’iil waxa aanu gudaha Israa’iil kula soo kulmi jiray masuuliyiinta sirdoonka isaga oo inta uu amarrada cusub ka soo qaato haddana dib ugu soo noqon jiray dalkiisa.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Jazeera ayaa uu Abraham ku sheegay in sannadkii 1997kii ay Israa’iil qaadatay dareen ah in xaaladda amni ee Lubnaan aad u khatar badan tahay oo ay adag tahay in uu hadda kadib ku nabadgalaa, sidaa awgeed isaga iyo dhammaan xubnihii qoyskiisa oo shan ahaa ayaa loo tahriibiyey dhinaca Israa’iil oo ay hadda ku nool yihiin iyaga oo dhammaantood qaatay diinta Yuhuudda, isaguna (Abraham) uu ka tirsan yahay ciidamada Israa’iil.

Saxafiga Yuhuudiga ah ayaa sheegay in Abraham oo hadda ah sarkaal sare oo ka tirsan guutada Ghawlani oo ka mid ah ciidamada gaarka ah in uu dhowaan ku guulaystay billad sharafta sare ee ciidamada Israa’iil  oo uu guddoonsiiyey madaxweynaha Israa’iil.