Xiddigga Kubadda Cagta Samuel Eto Oo Sheegay In Riyadiisu Ay Tahay In Uu Ciyaar Kubbadeed Ay Kulmiso Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan

0
589

ddddddIstanbul (Geeska)- Ciyaartoyga kubadda cagta ee reer Kamaruun Samuel Eto, ahna xiddiga naadiga Antalyaspor ee dalka Turkiga ayaa sheegay in riyadiisa ugu weyni ay tahay in ciyaar kubadda cagta ah ay iskaga hor yimaaddaan madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan.

Hadalka ciyaaryahan Samuel Eto’o waxa uu ka yidhi kulan loogu sii gogol xaadhayo munaasabad ballaadhan oo qasriga Jiraaqan ee magaalada Istanbul lagu xusi doono sannad guuradii Tobnaad ee ka soo wareegtay aasaaskii haayadda samofalka ee Samuel Eto’o, oo ku beegan 16ka bisha Julaay ee foodda innagu soo haysa.

Haayadda Samuel Eto’o ayaa lagu wadaa in maalinta xuska ururkan samofal ay qaban doonto ciyaaro saaxiibtinimo oo kubadda cagta ah, kuwaas oo ay iskaga hor iman doonaan xiddigo kubadda cagta ah oo dalka Turkiga iyo dunidaba isaga kala yimid. Eto’o oo ka hadlayey kulankan ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aan si fiican u ogahay kaalinta uu Turkigu ka ciyaaro horumariinta Qaaradda Afrika, waxa aanan si gaar ah ugu mahadnaqayaa madaxweyne Erdogaan, caawimada uu siiyey qaaraddan awgeed” Ciyaaryahan Samuel Eto’o wawxa uu ka sheekeeyey riyadiisa kubadda caga oo ay si aad ah ugu sacabbo tumeen dadkii madasha fadhiyey, “Waxa aan ku riyoonayaa in ay kubaddaa cagtu Erdogan nagu kulmiso garoonka cagaaran”

Dhinaca kalana Samuel Eto’o waxa uu khudbaddan ku sheegay in haayaddiisu ay fuliso mashaariic la xidhiidha waxbarashada iyo horumarinta carruurta iyo in ay carruurtan baraan xirfado.  Waxa kale oo uu dhowaan furi doonaa cisbitaal, iyo dhismaha garoomo kubbadeed oo cusub. “Waxa aanu ka shaqaynaynaa sidii aanu carruurta Afrika ugu diyaarin lahayn duruufo ka fiican kuwii hore ee aan anigu ku soo barbaaray” isaga oo intaas ku sii daray in guddoomiyaya xidhiidhka kubadda cagta ee adduunka FIFA uu iman doono xafladda ururkiisa ee bishia Toddobaad ka dhici doonta Hudheelka Jiraaqan oo hore uga mid ahaa qasriyadii Cusmaaniyiinta balse imika ah hudheel dabaqadda sare ah.

Bishii Julaay 2015ka ayaa uu Samuel Eto’o heshiis saddex sano ah la saxeexday Naadiga khubadda cagta ee Antalyaspor isaga oo xilligaas ka soo aag beddeshay naadiga Sampdoria ee dalka Talyaaniga. Ciyaaryahankan 35 jirka ahi waxa uu hroe uga soo ciyaaray naadiyada waaweyn ee dunida qaarkood, waxa aana ka mid ahaa, Kooxaha, Mallorca, Barcelona, Spain, Inter Milan iyo Chelsea.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ergodan ayaa yaraantiisii aad ugu fiicnaa ciyaarta kubadda cagta oo la sheego in uu qarka u saarnaa in uu ka mid noqdo xiddiga kubadda cagta ee dalkiisa isla markaana uu rumeeyo himiladiisa oo ahayd in uu noqdo ciyaartoy heer caalamiya ah, laakiin waxaa arrintaas baajiyey aabihii oo isagu la jeclaa in uu barto cilmiga oo uu isaga ku shaqaysto.