Boqolkiiba 52 Xisbiga Jamhuuriga Ee Maraykanku Waxay Ka Cabsi Qabaan In Lagaga Shubto Doorashada Madaxweynaha Ee Sannadka 2017 Ka Dhacaysa Dalkaas

0
614

1Washington (Geeska)- Guud ahaan bulshooyinka dunida marka laga reebo Yurubta galbeed waxa ay aaminsan yihiin in dalka Maraykanku uu calanka u sido dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah, iyaga oo doorashooyinka dalalkooda ka dhacana hal-qabsi iyo summad uga dhiga doorashooyinka la midka ah ee Maraykanka, laakiin sida muuqata shacabka Maraykan iyagu wanaaggaas iyo quruxdaas kama’ay arkin doorashooyinka madaxweynaha ee dalkooda ka dhaca.

Cid kasta oo Maraykan ugu tirsanaa macallinka ugu sarreeya ee lagag adaydo xalliibnaanta iyo daahfurnaanta doorashooyinkana waxaa yaab ku noqotay natiijada cod-bixin ay dhowaan haayadda Globe ee cilmibaadhista oo xarunteedu tahay dalka Maraykanku ku caddaysay in boqolkiiba 36 dadka Maraykanka ahi ay ka cabsi qabaan in ku shubasho iyo wax-is-daba marini ay tahay mid ka mid ah mushkiladaha waaweyn ee soo waajihi doona doorashooyinka madaxtooyada ee bisha Noofambar sannadka 2017ka ka dhacaysa dalkaas.

Natiijada ka soo baxday rayi-ururintan oo Isniintii dorraad 22ka Ogos soo baxday waxa ay iftiimisay in boqolkiiba 32 dadka Maraykanka ahi ay caddeeyeen in dhibaatooyinka waaweyn ee ay ka baqayaan ay ka mid tahay suurtogalnimada in cod-bixiyaha Maraykan ee diiwaangashani ay codkooda dhiiban kari waayaan.

Dhinaca xisbiyadana boqolkiiba 52 ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ayaa warwar weyn ka qaba suurtogalnimada in lagu shubto ama wax-la’-is daba mariyo xilliga ay codaynayaan dadka aan hore u diiwaangashanayn ee sannadkan u diyaarka ah in ay codeeyaan. Halka boqolkiiba 26 dadka xisbiga dimuqraaddigu ay cabsidaas mid la mid ah qabaan, boqolkiiba 33 dadka aan xisbiyada midna ka tirsanayn ee Maraykanka ahina ay isla mushkiladdan ka cabsi qabaan.

Waxa kale oo sahaminta shirkadda GLOBE oo ah shirkad sumcad ku leh dunida oo dhan, ka soo baxay in boqolkiiba 37 dadka Maraykan ee caddaanka ahi ay caddeeyeen in ay warwar ka qabaan suurtogalnimada in khiyaamo ama wax-is-daba-marin k aka dhacdo doorashooyinka madaxtooyada halka dadka aan caddaanka iyo madowga midna ahayn, ee Colored ka loo yaqaanno ay boqolkiiba 35 aaminsan yihiin arrintaas.

Sida lagu caddeeyey rayi-ururintan boqolkiiba 42 dadka Maraykanka ah ee deggen gobalada Koonfureed waxa ay aaminsan yihiin in ku-shubashadu ay tahayba mushkilad weyn oo haysata doorashooyinka Maraykanka, halka dadka goballada Barigana in ka badan boqolkiiba 33 ay fikirkaas aaminsan yihiin. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Russia Today waxa uu intaas ku darayaa in murashaxa madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga sannadka dambe doorashada ugu tartami doona oo ah maalqabeenka lagu magacaabo Donald Trump khudbad uu dhowaan u jeediyey taageerayaashiisa uu ugu baaqay in ay aad u feejignaadaan marka ay joogaan goobaha cod-bixinta si ay ugu dhugmo yeeshaan waxa uu ugu yeedhay wax-is-daba marinta ka dhici doonta goobahaas, isaga oo ka digay suurogalnimada in doorashada isaga lagaga shuban doono.