Dowlad Muwaadiniinteeda Inta Muslimka Ah Ka Mamnuucday Talefannada Gacanta Ee Casriga Ah

0
562

Picture7

Naypyidaw (Hargeysa)- xukuumadda dalka Myanmar ayaa ol’ole baadhitaan oo aad u ballaadhan ku qaaday suuqyad iyo meheradaha talefannada casriga ah iyo kombiyuutarrada gacanta lagu qaato (Laptop) lagu iibiyo ee magaalooyinka Maungdaw iyo Busa-dong oo ka tirsan gobolka Arakan ee dalkan Myanmar oo ku yaalla koonfurta bari ee qaaradda Eeshiya. Tallaabadan ayaa ah mid lagu dhaqan gelinayo go’aan dhowaan ka soo baxay dalkaas oo muwaadiniinta Muslimka ah ee tiradoodu dadka dalka ka tahay boqolkiiba 20 ka mamnuucaya isticmaalka talefannada casriga ah iyo isticmaalka internet ka, si looga hortago in wararka gumaadka dadkaas lagu hayo iyo sawirrada xanuunka badan ee muuqaalka ka bixinaya dhibta loo geystaa ay dibadda dalka uga baxaan.

Xukuumadda dalkaas ayaa mar sii horreysay go’aan ku gaadhay in gobolkan muslimiinta lagu soo rogo xayiraad xagga warbaahinta ah, lagana taxaddaro kaadhadh talefan oo la sheegay in si qarsoodi ah looga keeno dalka Bangladesh ee deriska la’ ah, kuwaas oo si caadiya ugu shaqeeyey gudaha dalka Myanmar gaar ahaan gobolkan la xayiray. Ciidamada amniga ayaa meheradahan ay baadheen ka qaaday kombiyuutarrada iyo talefannada gacanta ee iibka ahaa, waxa aanay xabsiga u taxaabeen dadkii qalabkan ka ganacsanayey, si looga qaado ganaax lacageed aad u badan oo uu dhigayo sharcigan cusub ee mamnuucistu.