Dood Ka Dhalatay Marwada Raysalwasaaraha Marooko Oo Dhar Asturan La Gashay Guriga Cad

0
901

Picture2Rabat (Geeska)- Muran ballaadhan ayaa ka dhashay marada ay xaaska raysalwasaaraha Marooko Nabiilah Bin Keyraan ku labbisnayd markii ay dhowaan ka qayb galaysay marti-qaad casho ahaa oo madaxweynaha Maraykanka Barak Obama uu Guriga Cad ugu sameeyey hoggaamiyeyaashii ka qayb-galayey shir-madaxeedkii Afrika iyo Maraykanka ee dhowaan ka qabsoomay Maraykanka. Dad u badan kuwa ka soo horjeeda xisaabka ayaa maradan oo lagu sheegay jilbaab, aad u dacaayadeeyey, waxaa ka mid ahayd haweenayda reer Marooko ee caanka ku ah dhar-tolista casriga ah Faadima Sahraa’ oo jilbaabka Nabiilah ku tilmaamtay in uu u ekaa jawaanka daqiiqda oo kale in ay ku dhex dhacday, waxa aanay ku doodday in ay fiicnayd in marwada raysalwasaaruhu ay xidhato dhar xariir ah oo u tolan si qurux badan.

Xaaska raysalwasaare Cabdil-Ilaah Benkiraan ayaa ardaaga ay ku leedahay bar-kulanka-bulshada ee facebook si aad u xikmad badan ugaga jawaabtay murankan, waxa aanay si aad ah ugu mahadnaqday dadka difaacayey labbiskeeda. “Waad ku mahadsantihiin difaaca aad difaacdeen dhaqanka iyo dhalashada Marooko, iyo sida aad iskaga caabideen hiddaha iyo dhaqanka gumaystaha ee doonaya in uu lumiyo abtirsiinteenna, aad baad u mahadsan tihiin in aad aqbalsan tihiin qofka kale ee idinka dhaqan duwan, ixtiraamaysaanna kala duwanaanshiyaha” ayaa ay Nabiilah ku tidhi qoraalkeedan. Iyada oo u jawaabaysa dadkan naqdiyeyna waxa ay intaas ku sii dartay, “Waxa aad ku xasishaan in meesha lagu soo bandhigayey midabbada dhabta ah ee Afrikaanka (Cid waliba dhaqankeeda ayaa ay wadatay), dadkaasina (Masuuliyiinta Maraykanka iyo guud ahaan reer galbeedka) qofka waxa ay ku qiimeeyaan siyaasaddiisa iyo xaaladdiisa, ee dank ala galaan dharka hebel iyo heblaayo xidhan yihiin”