5-tii Qof Ee Ku Dhinta Dalalka Faqiirka Ah 4 Ka Mid Ah Ayaa U Dhinta Sababo Caafimaad Oo Milixda La Xidhiidha

0
1117

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in milixda cuntada lagu darsadaa ay sannad kasta sababto dhimashada Hal Milyan iyo Lix boqol oo kun oo qof, taas oo ku timaadda cudurrada ku dhaca wadnaha iyo halbowlayaasha dhiigga ku dhaca ee asalkoodu ka yimaaddo ku talax tagga isticmaalka cuntooyinka milixdu ku badan tahay. Cilmibaadhistan oo lagu ogaaday in dadka dunida ku nooli ay isticmaalaan milix xaddigeedu ku laban-laabmayo xaddiga milixda ay hayadda caafimaadka adduunku ku talisay in la isticmaalo, iyada oo si gaar ahna ay dalalka dunidu ugukala duwan yihiin isticmaalka badan ee milixda ayaa ya khubaradu ku tilmaameen in sababta dhimashada milixda keentaa ay tahay cudurrada ku dhaca wadnaha iyo halbawlayaasha dhiigga ee ka dhasha milixda. Hayadda cuntada adduunka ayaa daraasado badan kadib waxa ay hore ugu talisay in xaddiga uu qofku milixda ka isticmaalayaa aanu ka badan malqaxadda shaaha badhkeed maalintii, marka uu qofku xaddigaas cuno waxa ay u dhigantaa in uu cunay ama ay jidhkiisa gashay maadadda Sodium oo xaddigeedu yahay 2.3 gram maalintii.

Daraasadahani waxa ya muujiyeen in qofku uu caadi ahaan in ka badan boqolkiiba 75 milixda uu u baahan yahay ee lagama maarmaanka ah uu si dabiici ah uga helo cuntada iyo biyaha, sidaa awgeed milixda lagu daro cuntada marka la karinayo ama mar dambe lagu sii kordhiyaa waxa ay u dhow dahay in ay ka badato xaddigii yaraa ee boqolkiiba 25 ka keliya ahaa ee ka dhinnaa milixda uu u baahan yahay. Natiijada cilmibaadhistan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo turjumay majaladda New England Journal of Medicine cadadkiisii soo baxay khamiistii toddobaadkii ina dhaafay, ayaa sheegaysa in milixdu ay sabab u tahay qiyaas ah boqolkiiba 10 dhimashada dunida oo dhan ka dhacda ee ka timaadda cudurrada wadnaha iyo marinnada dhiigga oo sannad kasta dunida daafaheeda ku galaafta nolosha in ka badan 1.6 Milyan oo qof.

Milixda waxaa ku jira maadadda Sodium oo haddii ay jidhka ku badato keenta dhiig karka, oo isna sababa wadne xanuun iyo faalig, xanuunnadaas oo lagu tiriyo in ay yihiin sababta koowaad ee dhimashada dunida keenta. Cilmibaadhiso la sameeyey ayaa caddeeyey in milixda isticmaalkeeda oo la yaraystaa ay dhiigga hoos u dejiso, gaar ahaan dadka waaweyn iyo dadka midabkoodu madowga yahay iyo gaar ahaan dadka dhiig karka leh oo dhan. Sahamin lagu sameeyey qaaradaha kala duwan ee dunida yaa iftiimisay in Eeshiyada-dhexe ay tahay meesha dunida oo dha nugu isticmaalka badan milixda, halka ay Afrika lagu isticmaalo milixda ugu yar, gaar ahaan afrika dalalka ka hooseeya lama-degaanka, marka dalka Maraykanka ay tahayna waxaa lagu isticmaalaa qiyaas laban-laab ka badan xaddiga lagu taliyey, dhimashada ugu badanna sababa. Dalalka faqiirka ahna waxaa lagu qiyaasaa in Shantii qof ee dalalka faqiirka ah iyo kuwa soo koraya ku dhinta ay afar ka mid ahi u dhintaan sababo milixda la xidhiidha.