Tuugii Dunida Ugu Doqonsanaa: Gurigii Uu Xadayey Oo Uu Gudihiisa Ku Jiro Ayaa Uu Isu Sheegay Qoyskii Lahaa

0
921

Picture1Berlin (Geeska)- Booliiska dalka Germany ayaa sheegay in qoys dalkaa u dhashay oo ku nool magaalada Oberhausen Ee dalka Germany ay fasax maalmo ah oo ay ku soo qaateen deegaan kale kadib, markii  ay dib ugu soo noqdeen gurigooda uu mid ka mid ah qoysku si kaftan ah u qayliyey, isaga oo leh, "Cidi guriga ma ku jirtaa" laakiin waxa naxdin iyo yaab noqotay markii cod qof aanay garanayn uu ka jawaabay qol guriga ka mid ah dhexdiisa, "Aniga ayaa halkan jooga" xubnihii qoyska oo yaabban ayuu qofba qof eegay, kadib waxa ay u yaaceen qolkii uu ka baxayey codku, waxaanay isku xeereen tuuggii iyaga oo damacsan in ay qabtaan haddii uu isku dayo inuu baxo, isla markaana u qayshaday booliiska.

Booliiska ayaa guriga yimi iyaga oo qoyskii wali ku wareegsan tuuggii, xabsiga ayaanay u taxaabeen isaga oo sida la sheegay isku urursaday wax kasta oo guriga yaallay oo qaali ahaa fududaana, isla markaana diyaar u ahaa inuu baxo. Tuugan oo koox wariyeyaal ahaa oo dhacdadan ka soo waramay ay soo jeediyeen in loo aqoonsado, tuuggii ugu doqonsanaa dunida oo lagu daro diiwaanka Guinness-ka ee lagu ururiye dhacdooyinka yaabka leh ee dunida, ayaa la sheegayaa in sababta tuuggan ka hadlisay ay ahayd isaga oo isku dayeyey in aanay qoyska soo galay ka shakiyin una qaataan mid iyaga ka mid ah oo ku ciyaaraya, kadibna uu si dhukus ah uga dhex baxo inta ay degitaanka ku mashquulsan yihiin.