Donald Trump Oo Sheegay In Uu Xaq U Leeyahay In La Siiyo Abaalmarinta Nabadda Ee Adduunka

0
907

Washington (Geeska)- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu xaq u leeyahay in la siiyo abaalmarinta nabadda ee caalamiga ah, laakiin waxa uu sheegay in aan marnaba si caddaalad ah lagu siinayn.

Trump oo intii uu socday kulankii guud ee jimciyadda Quruumaha dhexeysaa arrintan warbaahinta kala hadlay ayaa sheegay haddii guddiga xeerbeegtida ee soo xusha qofka abaalmarinta la siinayaa ay tahay guddi cadaalad ah, in sababo badan awgeed uu isagu mutaysanayo in uu helo abaalmarintaas. Laakiin waxa uu sheegay in aanu marnaba caddaaladdaas ka filayn xeerbeegtidaas.

Donald Trump waxa uu sheegay in abaalmarintii nabadda adduunka ee sannadkii 2009 kii la siiyey ay ahayd arrin aan sax ahayn oo dadka oo dhan amakaag ku ridday, maadaama oo aanay jirin cid filaysay in uu heli karo Barak Obama.

Xeerbeegtida ayaa xilligaas ay madaxwyene Obama siinaysay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda waxa ay sheegtay in sababaha ay ku dooratay ay tahay dadaalka xooggan ee uu u galay in uu xoojiyo diblumaasiyadda caalamiga ah ee iskaashiga ummadaha. Laakiin markaasba dhaliilo badan ayaa xeerbeegtida loo jeediyey, maadaama oo Obama uu xilka hayey muddo hal sano ka yar, sidaas awgeed aanay noqon karin qiimayn dhammaystiran.

“Obama ayaa ay toos isaga siiyeen isla markii uu madaxweynaha noqday, ma ogtihiin in xitaa isagu aanu wax fikir ah ka haysan sababta uu abaalmarintan u helay” ayaa uu yidhi Donald Trump. Isaga oo intaas ku daray ereyo kaftan ah oo uu ku sheegayo in waxa keliya ee ay abid isaga iyo Obama isku rayiga ka noqdeen uu ahaa layaabkaas ay labadooduba la yaabeen abaalmarinta Obama la siiyey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here