Dadkan Noloshaada Ka Saar, Inta Aanu Xidhiidhkooda Noqon Sun Burburisa Raaxada Nafta, Mustaqbalka

0
1221

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii aynu ka soo xigannay Maxamed Daaha oo ka warramaya xidhiidhada kuwooda caafimaadka qaba iyo kuwa dhibaatada keena.

Ku Danayste

La saaxiibista ama jaal la noqoshada qofka leh dabeecadda ah in uu ku danaysto wanaagga qofka kale, qofka habdhaqanka wanaagsan iyo dhibirsanaanta leh marka uu kugu ogyahay in dan uu leeyahay oo aad u qumminayso, maalinta kalana masaafad dib kaaga durka. Cadho iyo calool xumo badan ayaad ku arki maalinta aad dantiisa oofin weydo, ama cabasho aad naftaada nacdo ayuu kula daba joogi.

Qofka dabeecadahaas ku danaysiga ama ku shaqaysiga ah leh saaxiibtinimadiisu waxa ay leedahay khatar weyn oo ah in maalin uun uu kuu soo raaci karo cid kugu cadow ah oo uu isagu dan ka dhex arko.

Hantiyid

Saaxiibtinimada macnaheedu ma’aha lahaanshiyo iyo in qofka aad saaxiibteen uu hantidaada gaarka ah ka mid noqonayo. Hinaasaha waallida ahi jacayl ma’aha, sida ay dadka qaarkii u haystaan. Hinaasaha oo bataa waxa uu calaamad u yahay in qofkani uu doonayo in uu saaxiibkani ka mid noqdo hantidiisa. Shakiga ka dhashaana waxa uu burburiyaa xidhiidh kasta oo ay ahayd in uu kalsooni ku dhisnaado.

Heer kasta oo ay saaxiibtinimadu gaadho, haddana waxaa hubaal ah in qof kastaa uu leeyahay seero u gaar ah oo aanu cidna u ogolayn, siro qofeed iyo xogo uu qarsado ayaa jira, waa khasaare saaxiibka doonaya in uu baadho oo uu erey iyo ficil ku lahaado arrimahaaga gaarka kuugu xidhan iyo xisaabahaaga gaarka ah. Saaxiib dhinac kasta kaaga yimaadda oo ku dadaalaya in uu xitaa kuu yeedhiyo waxa ay tahay in aad samayso.

Raadso saaxiibtinimo seeskeedu yahay is ixtiraam iyo kalsooni.

Ka baxsan karnaa xidhiidhka saaxiibtinimo ee khasaaraha horseeda

Noocyada xidhiidh ama saaxiibtinimo ee aynu xusnay in ay sun yihiin, waa kuwo inta badan qofku uu dabinkooda ku dhaco isaga oo aan dareensanayn illaa uu badweynta dhibta badan dhex muquurto. Haddaba waxaa hubaal ah in dad badani isweydiinayaan, bal in uu jiro hab lagaga badbaadi karo. Halka kuwo kalana ay quusba ka istaagaan in xidhiidhkani yahay mid la iska furdaamin karo.

Dr. Maxamed Daaha ayaa arrintan laftigeeda buuggiisa kaga hadlaya, isaga oo sheegay Dr. Robert Firestone oo ku xeeldheeraa cilminafsigu uu caddeeyey in uu jiro xidhiidh malo-awaal ah oo dadka qaarkood u fahmaan in uu qayb ka yahay xidhiidhka caadiga ah. Inkasta oo uu dhibaato iyo xumayn ku yahayna hadana ay weli labada dhinac isa sii dhexgalaan, aadna isugu milmaan, taas oo ku riixda sii jirista xidhiidhka iyo isu dulqaadashada. Waxa uu noqdaan xidhiidh u eeg mid waalid iyo ilmihiisa oo kale ah oo mid kastaa uu xidhiidhka u dhowraya sida waalidka iyo ilmihiisa. Waxa uu mid kastaa qaadaa masuuliyado aanay suurtagal ahayn in saaxiibka caadiga ahi qaado, laakiin sida ay u badan tahay muddo kaddib qofka xaaladdan ku jiraa waxa uu ku qasbanaadaa in uu xidhiidhka noocan ah ka firdadho, kana xoroobo dabarrada malo-awaalka ah ee ku xidhan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here