“Haddii Kismaanyo La Tagayo, Maxaa Ii Diidaya Inaan Garoowe Tago”

0
930

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Xildhibaan Naasir Cali Shire, oo isku Gole yihiin, oo sheegay inuu ka qayb galayo Caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Jubaland, waxaanu tilmaamay in aan looga baahnayn inuu halkaas tago balse looga baahan yahay inuu ka qayb qato xaalada Ceel-afweyn.

xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti ka difaacay eedaha loo soo jeediyey waxaanu ugu horeyn yidhi “Waxaan maqlaayey rag Xildhibaano ah oo leh Kismaayo ayaanu aadaynaa, waxaan leeyahay Naasirow Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo ayaa kaaga baahan nabadeenteeda inaad aado, Kismaayo saddex nin oo ilmaadeer ah ayaa ku lagdamaya, qabiilna ah niman darood ah, qoysna niman reer Kismaayo ah,  adigu adeer ku filnaw meesha la yidhaahdo Ceerigaabo iyo Ceel-afweyn waxaa ka taagan taas ayaa Ciidan kaaga baahan, ama iyagu ha is hayaan ama cid kale ha is hayaan, inaynu inagu dhex tagno oo aynu ku milano maaha sharci, haddii uu beri Kismaayo tago anigana maxaa ii diidaya inaan Garowe tago, qodobka labaad ee kale Somaliland iyo Somaliya waxbaa ka dhexeeya, Somaliya ayey wax inaga dhexeeyaan ayey Kismaayo ka mid tahay, inaynu ku Milano oo aynu kolba nidhaahno qolo ayaanu raacaynaa maaha wax sax ah, waxaan leeyahay Somaliya iyada ayaa shuruudaheeda leh ee aynu ka nabadgalno waliba si dabcan, ninka siyaasiga ah ama Madaxweyne ha noqdo ama Xildhibaanada ha noqdo ama Wasiiradda ha noqdo, inaynu fariin wanaagsan dirno mooyaane fariin isku dir ah oo daba yeynu dirin, dadnimo maaha”.

Xildhibaan Dhakool mar uu ka hadlayey arinta Jabuuti ayaa yidhi “Ismaaciil Cumar Geele wuxuu ahaa jabhadii SNM, raggii isaga iyo qoyskiisuba, ay dagaalka kula jireen, wuxuu ahaa markii dawladii Somaliyeed dhacday dadkii reer Somaliland ee ganacsada ahaa ninkii ay ku baxsadeen, markii ay baananku aamini waayeen ee iyagu lacagtoodii labataanka milyan dhigeen Ganacstada Somaliland, ee waliba reer Hargeysa ganacsigoodii meel mariyey, waxaad mooda kuwa maanta hadlaya in aanay taariikhda u war haynin, waxaa wacnayd raggii taariikhda xogogaalka u ahaa ilaa jabhadii ilaa burburkii umadda somaliyeed, ilaa nabadayntii Somaliland, inay wareystaan, waxaa ii waramay Abiib Timacad, ILLAABAY khayr ha siiyo, oo xogogaal ahaa, wuxuu igu yidhi hal-hays ah haddii aanu Ismaaciil Cumar Geelle noo kicin horumarkii iyo nabadayntii ka bilaamay Somaliland aasaas may yeesheen, waxaan leeyahay waa aflagaado Madaxweynaha waan ka raaligelinaynaa, waa Madaxweyne la doortay ma mudna in la caayo, markii horeba ama isaga ha ahaato ama Farmaajo ha ahaado ama Muuse Biixi ha ahaato, niman umad dhami doortay in la caayo ma mudna, rayi waa lagaga duwan kara laakiin in la caayo ma mudna”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here